Guddoomiye Cirro Oo Ka Qayb Galay Kulan Baarlamanka Sweden Kaga Dooday Aqoonsiga Somaliland.
Posted by ifraax on June 12 2016 01:07:17

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka.


Extended News

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa ka hadlay mooshin ku saabsan Ictiraafka Somaliland oo ay soo diriyeen Xisbi ka tirsan Xisbiyada dalka Sweden iyo Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani oo la hor keenay Barlamaanka Dalka Sweden, oo walibana su’aalo ku saabsan qadiyada Somaliland oo barlamanka dalka Sweden weydiinayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sweden.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro),  oo hadda socdaal ku jooga dalka Sweden ayaa isaga oo ka hadlaya ujeedada safarkiisa iyo sidoo kale mooshinkan Baarlamanka Sweden waxa uu yidhi “Ujeedooyinka aan u imid waxaa ka mid ah dood ka dhacaysa Barlamaanka dalka Sweden, oo ku saabsan Somaliland iyo ictiraafkeeda, sida aad ka warqabtaan 18kii May waxa halkan laga sameeyey Siminnaar ay sameeyeen Xildhibaanno ay ka mid yihiin xildhibaan Amiir iyo xildhibaan Birgiita, oo ku saabsan Somaliland, sida darteed waxa Barlamaanku go’aamiyey in Xisbi ka mid ah Xisbiyada dalka Sweden uu soo bandhigo Mooshin ku saabsan Somaliland oo maanta si toos ah loogu gudbin doono Barlamaanka Dalka Sweden, waxaan jecel ahay in aan kala qayb galo una mahadnaqo Xildhibanadaas iyo Xisbigaba”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro mar uu ka hadlay doorka ay xisbiga WADDANI ahaan ku leeyihiin arintan ayaa yidhi “Door weyn baanu ku leenahay arintan ka socota Barlamaanka waxaanu is leenahay xisbi ahaan xisbigaa arintan keenay, haddii ay guul tahayna Somaliland baa leh, laakiin Xisbigaa keenay iyo taageerayaashiisa”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo u waramay HCTV, ayaa  mar uu ka hadlay Madax ka tirsn dalka Sweden oo uu la kulmay ayaa uu yidhi “Laba jeer oo hore ayaan la kulmay Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Barlamaanka dalka Sweden ba, haddii ay noo suurtagashana waanu la kulmi doonaa, Wasiirka (Wasiirka arrimaha dibadda), laakiin arintani Barlamaanka ay hor taala Wasiirkana su’aalo ayaa laga weydiinayaa, marka Wasiirku waxa uu ku kooban yahay inuu ka jawaabo su’aalaha la weydiinayo”.

 

Hargeysa Online