Masuulyiin ka tirsan xisbiga wadani oo laga caydhiyay dhagaysigii dacwada Ucid.
Posted by xaaji on June 13 2016 14:04:32

Masuuliyiin ka tirsan hogaanka xisbiga Wadani ayaa laga caydhiyay xarunta gudida diiwaangalinta ururada iyo asxaabta qaranka.


Extended News

Hargaysa (Hargeysa Online) Masuuliyiin ka tirsan hogaanka xisbiga Wadani ayaa laga caydhiyay xarunta gudida diiwaangalinta ururada iyo asxaabta qaranka, kadib markii ay iska soo xaadiriyeen goobtaasi oo ay ka socotay dacwada uu jamaal cali xuseen iyo garabkiisa ay ku soo oogeen gudoomiyaha xisbiga Ucid ENG faysal cali waraabe.

 

masuulyiintan ayaa uu hogaaminayay gudoomiye ku xigeenka xisbiga wadani maxamed muumin seed iyo xoogahaya guud ee xisbiga wadani uur cade, iyo qaasim ibraahin tubeec iyo xasan cod yare. iyagoo u yimi ujeedo ahayd in ay qas iyo taageero been ah oo daciif ah u muujiyaan jamaal cali xuseen iyo shakhsiyaadka uu wato.

waxaana markiiba ka hortagay oo albaabka hore ee xarunta ka celiyay masuulyiin ka mid ah hogaanka sare ee xisbiga Ucid iyaga oo ku tilmaamay qaar ujeedo aan meel haysan u tagaya meel kasta. waxaana ay ka dareereen goobtaas iyaga oo madax hoos u foorarinaya oo khajilsan islamarkaana isku canaantay macno darida waday iyo waxa ay goobtan ka soo dooneen.

Hadaba baadhis ay samaysay Hargeysa Online ayaa bayaamisay in uu jamaal cali xuseen oo sheeganaya ka mid ahaanshiyaha xisbiga Ucid uu garab ka dayay xisbiga wadani oo awalba u balanqaaday jagada wasiirnimo hadii ay xilka ku guulaystaan, islamarkaana uu iskaga yimaado xisbiga Ucid. taageeradan uu ka doonayay xisbiga wadani ayaa soo bandhigaysa karti yarida iyo siyaasad xumida uu jamaal cali xuseen ku dhaqmayo, iyagoon tahli karayn in ay wax u taraan ama garab siiyaan.

Isku soo duuboo xisbiga wadani ayaa ah xisbi layli ah oo siyaasada ku jahwareersan-sida aad ka arkayso quud daraynta ama karti darida ay meel kasta la joogaan oo aanay garanaynba waajibaadkooda xisbiyeed.

asqooyinka wadani.

 

Hargeysa Online