Weerarkii Orlando ee Mareykanka oo Lala Xidhiidhiyey in ay Daacish ka danbeyso.
Posted by xaaji on June 13 2016 14:17:18

Ciidamada sirdoonka ee Mareykanka ee FBI ayaa sheegay ninkii shalay galab dadka gaaraya 50ka ku laayay magaalada Orlando ee Mareykanka.


Extended News

Ciidamada sirdoonka ee Mareykanka ee FBI ayaa sheegay ninkii shalay galab dadka gaaraya 50ka ku laayay magaalada Orlando ee Mareykanka in uu katirsanaan jiray jabhada Daacish ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Suuriya.

 


 

Ninkaas oo lagu magacaabo Cumar Matiin ayaa abaahii uu sheegay in uu sidoo kale necbaa dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda isla markaana kalaabkii uu weeraray shalay ee uu ku dilay dadka gaaraya 50ka qof ay kutuntaan dadkaa isku jinsiga ah ee isu galmooda (ragga ragga u galmooda iyo dumarka dumarka ugalmooda). Ninkaas ayaa sida la sheegay markii uu weerarayay shalay galab kalaabkaa ku hubeysnaa labo qori oo kuwa darandooriga u dhaca ah. Mareykanka oo caan ku ah weerarada noocaa ah ee qofi inta soo baxo dad laayo ayaa hadana weerarkaa shalay dhacay uu yahay kii ugu dhimasho badnaa ayadoon weli hal mar sidaa 50 qof hada ka hor toogasho loogu dilin labo daraadle in dhawaale.