Dumarka New Ucid oo Canbaareyn dusha uga tuuray Feysal cali waraabe.
Posted by abdi on June 13 2016 14:37:37

Anigu ku hadlaya Magaca Garabka Haweenka New UCID Iyo Dhamaan Haweenka Somaliland , Ahna Godomiyaha Gudida Ictiraaf Raadinta Somaliland ee Dalka Finalnad


Extended News

Ku : Gudida Ururada Siyaasada Iyo Axzaabta Qaranka Somaliland .

Ku : Gudida Anshax Marinta Siyaasada Iyo Axzaabta Qaranka Somaliland .

 

Anigu ku hadlaya Magaca Garabka Haweenka New UCID Iyo Dhamaan Haweenka Somaliland , Ahna Godomiyaha Gudida Ictiraaf Raadinta Somaliland ee Dalka Finalnad , Ahna La Taliyaha Arimaha Debedda Ee Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID.

Waxaan Halkan ku soo gudbinaya Aflagaadada Qaawan iyo xaqiraada oo Godomiye Fayasl Cali Warabe kula kacay Hoyooyinka iyo Haween weynaha Somaliland.

Waxa lagama filaan nogu noqotay inoo Godomiye Faysal Cali Warabe iyo Garabkiisoba ay caadaystaan xaqiraada Haweenka iyo aflagaada qaawan aan loo meel dayin ay markasta media la soo taagan yihiin hadday TV Amma Social Mediada tahyba taaso aan dhaqan Somaliland hore looga yaaqanay ahayen.!!

Iyada o lawada ogyahay kaalinta muhiimka ah ay Haweenku kaga jiraan Hormarka iyo Siyaasada Dalka Somaliland Taas o ay miisaan culus kuleeyihiin Xukumadda talada haysa maanta iyo Axzaabta Qarankaba.

Waxaan halkan rabaa inaan ka cadeeyo Haweenku inay isku Miisaan , Meeqaam iyo Xoqooqba ku leeyihiin Dalka Somaliland haddii ay Tahay Hooyo, Inan , Xaas iyo Walaalba , Markaa waxa waajib ah in sharaftooda la ilaaliyo oo aan la dhayalsan.

Waxaan ka Xumahay in Godomiye Faysal oo caadaystay inoo weerar joogta ah ku qaado dumarka isaga o aad moodo inoo culaad gaar ah o qabo dumarka gaar ahaan Garabka Haweenka New UCID. Waxaanan u sheegaya Godomiye Faysal Cali Waraabe Xisbiga UCID tiirgiiso yahay Dumarka la'antoodna aanu jiri lahayen amma aano maanta xisbi qaran ahaadeen!

Waxaan ogeisiinaya Dhamaan Shacabka Somaliland inay ka dhiidhiyaan hadalada deelqaafka ah ee ka soo borqanaya Godomiye Fasyal Cali Waraabe. Dhinca kalena waxaan ogu baaqaya Haweenka Somaliland inaanay ka niyad jabin oo maarkasta ay ogaadaan inay Haweenku yihiin laf dhabarta Mujtamaca Somaliland.

Waxaan ka codsanaya Gudida Anshax Marinta Siyaasada Iyo Axzaabta Qaranka inay fiiro gaar ah o yeeshaan Hab Dhaqanka Godomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe taas o lid ku noqotay sumcada iyo hab dhaqanka Bulshada Somaliland.

 

Wa bilaahi Al Tawfiiq

La Taliyaha Arimaha Debedda Ee Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID.

Marwo Samia Muse