Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo gurigiisa la Weeraray Xalay.
Posted by xaaji on June 19 2016 10:15:50

Nin hubeysan oo la sheegay in uu ka Tirsanaa ilaalada Beer uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde - ku xannaaneysto Libaaxyada  ,


Extended News

 

Nin hubeysan oo la sheegay in uu ka Tirsanaa ilaalada Beer uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde - ku xannaaneysto Libaaxyada, ayaa Maqribnimadii Caawa xilligii Afurka weeraray Guriga uu Wasiir Waran-cadde ka daggan yahay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland. Ilaalada Wasiirka iyo ninka hubeysan, ayaa Rasaas culus is-dhaafsaday, taasoo Soctay illaa xilligii cishaha ee caawa waxaana ciidanka booliiska oo goobta gaaray ay sheegeen inaysan rasaastaasi sababin wax khasaare nafeed ah. Ruuxan weeraray guriga Wasiirka, ayaa la sheegay inay xigto ahaayeen wasiirka, Waxaana Weerarkiisan uu salka ku hayay sida uu baahiyay TV-ga Horn Cable - Khliaaf u dhexeeyay Wasiir Waran-cadde iyo ninkan ilaalada beertiisa ka mid ahaa. Saraakiisha ciidanka booliska Somaliland ayaa sheegay in ninka hubeysan weeraray guriga Wasiirka uu goobta ka baxsaday, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha - uusan weli ka hadlin sababta keentay in la weeraro gurigiisa. Ugu dambeyn, Ciidanka booliska ayaa sheegay inay baadi-goob ku hayaan ninka weeraray guriga wasiirka, iyadoo falkan uu noqonayo kii u horreeyay noociisa oo waqti Afur ah lagu qaado guri uu daggan yahay mas’uul ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Hargeysa Online