Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuun Maxamed Cabdi Iskeerse.
Posted by abdi on June 20 2016 00:04:48

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa hoggaamiyey aas qaran oo xeedho, waqooyiga Caasimadda Hargeysa.


Extended News

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa hoggaamiyey aas qaran oo xeedho, waqooyiga Caasimadda Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Maxamed Cabdi Aadan Iskeerse maanta oo Axad ah 19-06-2016

Madaxweynaha oo isla markaana ka qaybgalay salaada janaasada ah ee marxuumka oo dad aad u tiro badani jamac ka ahaayeen, ayaa salaadda ka hor, warbaahinta kala duwan ee xabaasha ku sugnayd tacsi u mariyey marxuumka.

1866.jpg

 

2767.jpg

2767.jpg

4671.jpg

5587.jpg

6533.jpg

7459.jpg

8411.jpg

10350.jpg

 

“IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN, Marxuumku waxa uu ahaa nin miisaan weyn oo dalkan iyo dadkan ka baxay. Ilaahay waxan ka baryayaa inuu jannadiisa


ka waraabiyo, Ehelkii, Qaraabadii, iyo Qoyskii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo, iyo ummadda Somalilandba kulligeen samir iyo iimaan Ilaahay ha innaga siiyo. Aammiin Aammiin Aammiin”.

Aaska loo sameeyey marxuumka ayaa ahaa mid aan loo kala hadhin xukuumad, Baarlamaan, (Guurti iyo Wakiillo), Asxaabta Qaranka, Xisbiga Kulmiye, Xisbiga UCID iyo Xisbiga Waddani, hoggaan dhaqameed, waayeel, waxgarad, ganacsato, aqoon yahan, iyo dadweyne tiro badan oo isaga kala yimid caasimada gudeheeda, gobolada dalka iyo degmooyinka. Dhammaantoodba waxay marxuumka Ilaahay uga baryeen inuu naxariistiisi janno ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland samir iyo iimaan ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.