Nin isku dayay inuu Qaarijiyo Donald TRUMP oo Maxkamad la Hor-keenay.
Posted by xaaji on June 22 2016 05:12:25

Nin lagu eedeyay in uu doonayay in uu toogasho ku dilo musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee Dalka Mareykanka Donald Trump.


Extended News

 

Nin lagu eedeyay in uu doonayay in uu toogasho ku dilo musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa la soo taagay maxkamadda Magaalada Las Vegas, ee dalka Mareykanka. Ninkan oo lagu magaacaabo Michael Sandford ayaa maxkamadda horteeda aanan ka qiran in uu galay wax dambi ah. Baarayaasha, ayaa waxay sheegay in Ninkaani uu qirtay in uu doonayay in uu dilo Donald Trump oo olole siyaasadeed ku lahaa Las Vegas maalintii sabtiga ahayd, isaga oo markaasi doonayay in uu dilo. Sidoo kale, Waxaa ninkani lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu qori ka dafo askari booliska ka tirsan isla markaana uu doonayay in uu falkaasi ku fuliyo. Maxkamadda, ayaa loo sheegay in Michael Sandford uu Shaqo la’aan yahay - isla markaana uu Qabo Xanuunno dhanka Maskaxda ah. Ugu dambeyn, Saraakiisha ayaa sheegaya in Ninkaani uu dalkaasi Mareykanka ku joogay Sharci-darro kaddib markii uu ka dhacay dal-ku-galkii uu halkaasi ku joogay.