Shacabka UK oo u Codeeyay inay Midowga Yurub ka baxaan iyo Cameron oo Is-casilaya.
Posted by ifraax on June 24 2016 21:16:05

Natiijada Aftidii shacabka UK ee ay ku kala Dooranayeeen in ay ka baxaan Ururka Midowga Yurub iyo in ay ka sii mid ahaadaan.


Extended News

Natiijada Aftidii shacabka UK ee ay ku kala Dooranayeeen in ay ka baxaan Ururka Midowga Yurub iyo in ay ka sii mid ahaadaan, ayaa waxay natiijadeedii noqotay inay shacabka Waddankaas doorteen inay ka baxaan Midowga Yurub. Dadweynaha UK ayaa waxay 51.8% u codeeyeen inay ka baxaan Midowga Yurub, halka 48.2% ay doorteen inay kasii mid ahaadaan,

 

waxaana Aftidan ku guuleystay qolyihii u ololeynayay inay UK ka baxdo Midowga Yurub. Sidoo kale, Natiijadaan ayaa waxay saameyn ku yeelatay Suuqyada lacagaha lagu kala sarrifto ee caalamka, iyadoo lacagta UK ay hoos u dhacday maanta oo keliya 10%, marka loo eego sarifka Doollarka, taasoo lagu sheegay middii qiimo-dhacii ugu weynaa ee ku dhaca tan iyo sannadkii 1985-kii. Hoos u dhaca sarifka lacagaha Adduunka ayaa loo saameynayaa Natiijada ka soo baxday codeyntii Aftida shacabka UK ee shalay ka dhacday Waddankaas, iyadoo sidoo kalena uu hoos u dhac gaaraya 3% uu ku yimid sarifka lacagta Midowga Yurub ee EURO, marka loo eego sarifka Doollarka. Markii Natiijada Aftida Britain la shaaciyay, ayaa waxaa Hadlay Hoggaamiyaha Xisbiga Madax-banaanida UK Nigel Farage oo ka mid ahaa xubnihii sida weyn ugu ololeynayay in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub ayaa sheegay in 23-kii Juun ay noqotay maalin Taariikhi u ah Britain. Ra'iisul Wasaaraha Dalka Britain, David Cameron, ayaa maanta ku dhawaaqay in uu is-casilayo Bisha Oktoobar ee sannadkan lagu jiro 2016-ka, kaddib markii shacabka UK ay u codeeyeen inay ka baxaan Midowga Yurub. "Go'aanka shacabka Britain ay ku gaareen inay ka baxaan Britain waan ixtiraamayaa, waana go'aan ay iyagu gaareen, balse waxaan go'aansaday inaan xilka iska casilo bisha Oktoobar ee sannadkaan," ayuu ku yiri David Cameroon, qoraal uu kasoo saaray xafiiskiisa Magaalada London, kaddib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay natiijadii Aftidii shacabka UK laga qaaday shalay oo Khamiis ahayd. Dhanka kale, UK ayaa waxay noqonaysaa waddankii ugu horreeyay oo isaga baxa Midowga Yurub, waxaana tani ay soo af-jaraysaa bulshada kasoo jeeda qaar ka mid ah waddamada Yurub oo Britain ku nool inay dalkaas ka baxaan, halka dadka Britishka ah ee ka shaqeeya waddamada kalena ay dalkooda dib ugu soo laabtaan. Ugu dambeyn, Madaxda Caalamka Qaarkood oo ka hadlay natiijada Aftidii UK ayaa waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan oo ay ixtiraamayaan, iyadoo uu ka mid yahay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama. -

Hargeysa Online