Qarax oo lala eegtay Hoteelka Naasa-Hablood One ee magaalada Mogdisho.
Posted by ifraax on June 25 2016 21:44:04

Qarax Ismiidaamin ah ayaa goor-dhaw waxaa lala beegsaday Hoteel Naasa Hablood One oo ku yaalla Isgoyska lambar Afar ee Magaalada Muqdisho.


Extended News

Qarax Ismiidaamin ah ayaa goor-dhaw waxaa lala beegsaday Hoteel Naasa Hablood One oo ku yaalla Isgoyska lambar Afar ee Magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa loo Adeegsaday Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo Qaraxa kaddibna la maqlay rasaas aad u xooggan, illaa haddana lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Sidoo kale, Weerarkaan ayaa wuxuu ka mid ah noqonaya Weerarrada ay Al-shabaab ka Geysanaysay Dhawaanahan Magaalada Muqdisho, inkastoo aysan jirin Cid weli Sheegatay in ay Mas'uul ka tahay Weerarka Maanta.

Gudaha Hoteelka, ayaa Waxaa galay Xoogag ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo Rasaas culus laga Maqlayo gudaha iyo hareeraha Hotel Naasa Hablood One, inkastoo aysan Hay'adaha Amniga Somalia ka hadlin weli weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay.

"Qarax culus ayay Albaabka hore ee Hoteel Naasa Hablood lagu jabiyay, kaddibna Xoogag Taabacsan Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Hoteelka, halkaasoo lagula dagalaamayo," ayuu yiri sarkaal booliiska Somalia ka tirsan oo la hadlay Warbaahinta.

Hotel Naasa Hablood, ayaan horay ula kulmin weerarrada Al-shabaab, Iyadoo Weerarkaan uu kusoo beegmayo, xilli 01-dii Bishaan Juun - ay Al-shabaab Weerar isugu Qaraxyo iyo kuwo Toos ah ay la beegsatay Hoteelka Ambassador oo aan wax badan ka fogeyn Hoteelka maanta la weeraray.

 

Hargeysa Online