Midowgii Somaliland iyo Somalia Wuxuu Noqday MADHALEYS aan la Mahadin.
Posted by abdi on June 26 2016 22:31:44

Xaflada balaadhan oo loogu dabaal degayo sanad guurada 56aad ee ka soo wareegtay markii calankii ugu horeeyey la saaray dhul soomaaliyeed.

Extended News
Xaflada balaadhan oo loogu dabaal degayo sanad guurada 56aad ee ka soo wareegtay markii calankii ugu horeeyey la saaray dhul soomaaliyeed, kaasi oo lagu qabtay qasriga Madaxtooyada.

 Munaasibad loogu dabaal degayey sanad guuradda 56aad ee ka soo wareegtay markii goboladda waqooyi ama Somaliland xornimadda ka qaateen gumaystihii Ingiriiska, ayaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyadda ee magaaladda Hargeysa.

Munaasibadan waxa ka soo qaybgallay masuuliyiinta qaranka ugu saraysa, oo ka kala socda saddexda golle qaran, xukuumadda, guurtida, wakiilada, Asxaabta qaranka iyo marti sharaf ka kala socotay dalalka ay Somaliland saaxiibka iyo kuwa deriskaba, kuwaas oo damaashaad iyo taariikhdii Somaliland usoo martay halgankii la iskaga kicinayey gumaystaha Ingiriiska ah madasha lagu soobandhigay.

Waxa halkaa khudbado ka soo jeediyey xubno goobjoog u soo ahaa, isla markaana masuuliyiinka soo ahaa dawladii gumaysiga ee Ingiriiska, kana mid ahaayeen mudane Cismaan Axmed Xasan (Cismaan Indhoole) iyo Mudane Maxamuud Aadan Dheri.

201662663602507172793130526june8.jpg

201662663602507130127580526june5.jpg

201662663602507140000570726june6.jpg

Waxa kale oo halkaa laga soo jeediyey suugaan tiro badan oo ku qotonta munaasibada iyo taariikhdeeda, kana mid ahaayeen dadkii ka hadlay Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille (Shaacir)  iyo Abwaan da’ yar oo la yidhaah Farxaan Ismaaciil Maal. Waxa kale oo halkaa lagu soo bandhigay barmaamij ka waramaya taariikhda Somaliland markii gumaysta Ingiriisku soo galay 1987-1991kii markii lala soo noqday mar kale madax-banaanida Somaliland.

 Intaas ka dibna madxweynaha calanka Saaray ka dibna salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo khudbad dheer ka jeediyey ayaa kaga hadlay marxaladii gumaysiga iyo maxmiyada Somaliland isagoo bogaadiyey axsaabtii u soo halgantay xornimamada hore, lana dagaalantay gumaystihii ingiriiska ee SNL, NUF, USP iyo dhaqdhaqaaqii SNM ee ka dambeeyey, kuwaas oo uu duco u diray intoodii dhimatay.

Madaxweynaha Siilaanyo ayaa hambalyo u diray shacabka Somaliland meel kasta oo ay jogaan munaasibadda 26 june awgeed, waxaanu ka sheekeeyey taariikhdii uu Ingiriisku gumaystay Somaliland, waxaanu yidhi “Dawladda Ingiriisku waxay soo caga-dhigatay Carriga Somaliland 1887-kii, iyadoo aan xoog ku qabsan, balse ku timi heshiis ay la galeen beel-daajiyaashii iyo birmageydadii hormuudka u ahayd Bulshada Somaliland xiligaa.Somaliland ma ahayn dal toos loo guumaystay sida dalalka Africa badankooda, hase yeeshee, waxay ahayd maxmiyad ay ilaaliso ama maamusho ciiddeeda, boqortooyadii aan calankeeda cadceedu ka dhici jirin. In ka badan qarni badhkii ayaa laga joogaa maalintii Somaliland noqotay Jamhuuriyad Madax-bannaan oo leh Dawlad iyo Dal, la aqoonsan yahay.

Halgan qadhaadh iyo hayaan dheer oo loo soo galay xaqiijinta himilladii gobonnimo doonka, waxay Somaliland nasiib u yeelatay in ay ku guulaysato qarannimo buuxda, isla markaana noqoto dalkii 15aad ee Qaaradda Africa qaatay madax-bannaani, taasoo cadaynaysa in aynu ka hana-qaad horreynay badiba waddamada bariga iyo badhtamaha Africa, sida; Kenya, Uganda, Tanzania, Djibouti, Somalia, Eretria, Rwanda, Burundi, Central African Republic, Mozambique, Zambia iyo Malawi.  

Waxa hambalyo mudan halyeyadii xasiliyey gobonnimadaa, waxaan si gaar ah u xusayaa Xisbiyadii Siyaasiga ahaa ee SNL, NUF, iyo USP oo door weyn ka qaatay.”

Madaxweynuhu isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi “  Sidoo kale, waxaan ugu ducaynayaa intii dhimatay, hal-doorkii taariikhda halgankaa ku suntanaa iyo mujaahidiintii ku shahiiday halgankii dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland in Eebbe naxariistii janno ka waraabiyo, fadliga bisha Ramadaanna ugu dambi dhaafo. Ka Sokow in aynu noqon-nay Ummadda Soomaaliyeed dalkii iyo dadkii ugu horreeyey ee noqday qaran xor ah, waxa xaqiiq ah in Bulshada Somaliland ay hormuud ka ahayd hammigii lixdankii ee salka ku hayey in la abuuro qaran weyn oo ay shanta Soomaaliyeedba ku dhan tahay.”

Mar kale isagoo ka hadlay midowgii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi “ Jibbadii iyo Soomaali jacaylkii quluubteenna jeexay, wuxuu keenay in shan cisho ka dib aynu deg-deg ugu biirno dalkii Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray shuruud la'aan, isla maalintii uu gobonnimada qaatay 1-dii July, 1960.

Inkasta oo uu ahaa il-duuf siyaasadeed oo ina dhaxal-siiyey dhibaato badan, haddana dhinaca kale, waxaan la dafiri karin inuu ahaa go'aan geesinimo leh oo ay qaadan karto oo keliya ummad gob ah oo garasho dheer lihi.

Midowgii dhex-maray labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu noqday madhalays aan la mahadin. Nasiib darro, waxa laga dheefay oo qudha nacayb, Niyad jab iyo naxli la dhex dhigo Ummaddii Soomaaliyeed ee isu haysay hilowga iyo kalgacalka.

Murti Soomaaliyeed ayaa tidhaahda "Daayeerow Qadhaab ka waran? wuxuu yidhi, Tunkayga iyo Tagoogayga ka eeg". Sidaa darteed, waxaan leeyahay Shacbiga Somaliland soddonkii sanno ee ay ka mid ahaayeen dal weynihii Soomaaliya ma jiro wax faa'iido ah oo ay ka dhaxleen haba-yaraatee.

Marka la barbar dhigo 25-kan sanno ee aynu la soo noqonnay madax bannaanideenna, waxa inoo kordhay ayaa ka badan boqolkiiba sagaashan, iyadoo aynaan helin taageero luxdan iyo aqoonsi caalami ah toona.”

Madaxweynaha oo beesha caalamka iyo Soomaaliyaba la hadlaya waxa uu yidhi “Waxaannu xasuusinaynaa Dalkii aannu ka go’nay ee Soomaaliya, Dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka iyo dhammaan Dalalka ku Midoobay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa arrimaha hoos ku xusan:-

1)       Somaliland waxay ahayd dal gaar ah, oo xornimadiisii ka qaatay 26 June, 1960-kii Dawladdii Ingiriiska. Waxaannu ku biirnay lana midawnay 1-dii July, dalkii Soomaaliya oo Talyaanigu gumaysan jiray.

2)       Shacbiga Somaliland waxay si cad u diideen June, 1961-kii, aftidii loo qaaday dastuurkii cusbaa ee loo sameeyey dalkii lagu midoobay ee la magac baxay Jamhuuriyaddii Soomaaliya, oo haatan meesha ka baxday.

3)        Muddo yar ka dib, markii Shacbiga Somaliland garwaaqsadeen inay ku hungoobeen midnimadii, waxay Saraakiishii ka soo jeeday Gobollada Waqooyi sameeyeen December, 1961-kii inqilaab dhicisoobay, kaas oo ujeeddadiisu ahayd inay dib u soo celiyaan Xornimadii Somaliland ee luntay.

 4)       Somaliland rubuc qarnigii u danbeeyey kama qayb qaadan shirarkii kala duwanaa ee dib u heshiisiinta Soomaaliya marnaba.

Sidoo kale, kama mid aha Nidaamka Federaalka yegleesha ah ee ay ku midoobeen maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, kuwaas oo saxeexay, isla markaana ogolaaday heshiisyada iyo Axdiga (Road map-ka) ay ku dhisan tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

5)       Somaliland waxay xornimadeedii la soo noqotay 18-kii May 1991-kii, ka dib markii ay Salaadiinta, Garaadada iyo Wax-garadka Beelaha Waqooyi shir isugu yimaadeen Magaalada Burco go’aan midaysanna ay ku gaadheen in madax bannaanidoodii ay dib ula soo noqdaan.

6)       Shacbiga Somaliland waxay bishii May, 2001-dii kalsooni cod buuxa %97 ku taageereen aftidii loo qaaday dastuurka cusub ee Jamhuriyadda Somaliland  iyo Qadiyadda Gooni-isu-taaga dalka.

Arrimahani waxay daliil cad u yihiin in jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse ay tahay mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go’aanka shacbigani qaatay.

Sidaa darteed, waxaa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland.”

Gabogabaddii waxa uu hadalkiisa sii raaciyey “ Waxaan leeyahay marnaba u dulqaadan mayno cid kasta oo fad-qalale iyo fara-gelin ku samaysa ciidayada iyo calankayaga. Xaqa aayo ka tashiga iyo xuquuqda aasaasiga ah ee dalkayga iyo dalkayga, iyo Xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland dhammaan waa lama taabtaan aan lagu xad gudbi karin.”

Mar uu ka hadlayey  Wada-hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi “ Xukuumadda aan madaxda ka ahay waxay diyaar u tahay ambaqaadka iyo sii wadista wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Haddaba, si looga gun gaadho wada hadallada labada dal u dhexeeya natiijo wax ku ool ah, waxaan ku baaqayaa in gogosha la ballaadhiyo, dalal laysla gartayna ay goob joog ka noqdaan.

Dhinaca kale, waxaannu soo dhaweynaynaa dedaallada Beesha Caalamku ugu jirto sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabbaali lahaa, isla markaana dawlad adag loogu dhisi lahaa dabayaaqada sannadka 2016-ka.

Hasa-yeeshee, waxaannu dunida u caddaynaynaa in Somaliland tahay dal madax-bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka.

Mar labaad, waxaan ku celinayaa Jamhuuriyadda Somaliland ma meteli karaan shakhsiyaad danaystayaal ah oo Muqdisho laga cugtay. Waa maag iyo meel ka dhac qaawan in magaca qarankayaga loo cimaamado cid aan shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aanay ceelalyo u diran.”

Madaxweynuhu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Dharkeengeeye ee gobolka Sool, isagoo usoo jeediyey inay nabadda ilaaliyaan, wax walba ku dhamaystaan wada xaajood.

Inkastoo xalay laga xusay madaxtooyadda, haseyeeshee munaasibadda 26 june ayaan loo weyneen sida 18 May, waxaana kaliya la fasaxaa uun shaqaalaha, waxaana munaasibadda kowaad laga dhigay 18 May oo ah maalintii Somaliland ka go’da Soomaaliya.

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2016/Jun/wararka_maanta26-96546.htm#sthash.5ZUDvxj6.dpuf

Hargeysa Online