Dallada SSE waxay munaasbada 26ka Juun u aragtaa maalin lagu xasuusto markii aynu luminay Qaranimadii.
Posted by ifraax on June 27 2016 22:22:02

Dallada SSE waxay munaasbada 26ka Juun u aragtaa maalin lagu xasuusto markii aynu luminay Qaranimadii iyo Xorriyadii aynu ka helnay boqortooyada Ingiiriska.


Extended News

Taariikh: 26/06/2016
Tixraac: SSE/Fr –014

                                                Baaq

Dallada SSE waxay munaasbada 26ka Juun u aragtaa maalin lagu xasuusto markii aynu luminay Qaranimadii iyo Xorriyadii aynu ka helnay boqortooyada Ingiiriska, waana maalin u taagan midnimida Soomaaliya.

Waxa ka soo wareegay 56 sanno markii aynu xorriyadeena qaaliga aheyd ka helnay boqortooyadii Ingiriiska. Waxa xasuus mudan in isla markiiba waddamo badani ina aqoonsadeen isla markaana inoogu hambalyeeyen xorriyada aynu gaadhnay. Waddamaa ina aqoonsadey tiradoodu waxay dhammeyd 35 waddan.

Maalintani waxay aheyd mid soo afjartey 73kii sanno ee aynu hoos tagaynay maamulka boqortooyada Ingiriiska. Xasuusa togan ee aynu ku xasuusanaa waa iyada oo aynu shan cisho aheyn waddan madax-bannaan (Somaliland).

Maxaa ka dambeeyay, maxaase maanta reer Somaliland ku xasuustaan 26ka Juun.

Sida aan soo xusnay xorriyada shanta cisho ee neecowdeyda la dareemay may aheyn mid sii waarta. 1dii Julay ayaynu safar ula kacnahy dhinaca Mudisho isla markaana aynu gacanta ka gelinay Soomaaliya si ay inoo maamulaan. Si sahlan oo ka fiirsasho la'aana ayaynu xorriyadeenii qaaliga aheyd u luminay. Waynu ognahay taariikhda ka dambeysay oo aan qoraalkan loogu talo gelin inaynu kaga faaloono.

Dallada SSE waxay u aragtaa munaasabada 26ka juun maalin ku suntan midnimadii iyo isu keenkii Soomaaliya. Waa maalin laga xuso ama laga dabaal dego qaybaha Soomaaliya iyada oo qasdigu yahay Soomaaliya waa mid.

Maxaa la gudboon reer Somaliland

Dallada SSE waxay 100% rumaysantahay in maalinta qaran ee aynu leenahay ay tahay 18ka May oo ah markii aynu ku guuleysanay la soo noqodka xorriyadii aynu hore u luminay. Yaan lagu khatalmin xasuusta maalinta 26ka Juun oo ku suntan isku-keenkii iyo midnimadii Soomaaliya aynu la galnay. Xuska maalinta 26ka Juun ee lagu qabanayaa Muqdiso, Kismayo, Garowe iwm ma aha mid inaga ina khuseeya, waxaana haboon in laga feejignaado hagardaamooyinka iyo khiyaamooyinka ay maalintani wadato.

Dadka reer Somaliland ee jecel Qaranimada iyo karaamada Somaliland waxa aanu hubnaa inay nala fahansanyihiin jawiga ay maalintani wadato oo u baahan in laga wacyi geliyo inta aan ku baraarugsanayn.

Somaliland waxay halkaa ku soo gaadhay sabir, dulqaad iyo feejignaan ku salaysan sidii loo wada ilaashan lahaa in aan mar labaad lagu dhicin godkii lagu dhacay 26kii Juun 1960kii. 18kii May 1991 ayaa Ilaahay inagu guuleeyay inahynu marlabaad dib-u-helno xorriyadii aynu si sahal iyo sibiq ah u luminahy 1960kii

Guul iyo gobanimo ayaynu Somaliland u rajaynaynaa...

 

Alle ayaa mahad leh,

Guddiga fulinta ee dallada SSE.