Dadkii Qaraxyada Ka Geystay Istanbul oo La Sheegay Inay Ahaayeen Ajinabi.
Posted by abdi on July 01 2016 20:11:45

Dawlada Turkiga ayaa sheegtay in raggii qaaday weerarkii qaraxyada loo adeegsaday ee dhawaan lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Ata-Turki ee Istanbul.


Extended News

Dawlada Turkiga ayaa sheegtay in raggii qaaday weerarkii qaraxyada loo adeegsaday ee dhawaan lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Ata-Turki ee Istanbul inay ahaayeen ajaaniib.


Saddex nin oo weerarkaa qaaday ayaa waxay dawlada Turkigu sheegtay inay kasoo jeedeen Ruushka, dalka Kyrgystan iyo Usbekistan. 

Si kastaba ha ahaatee, dawlada Turkiga ayaa aaminsan in jabhada Daacish ama ISIS ee ka dagaalanta dalalka Turkiga jaarka la ah ee Suuriya iyo Ciraaq ay ayadu ka dambeysay weerarkaa oo ay soo maleegtay.

Dawlada Mareykanka ayaa sidoo kale aaminsan Daacish in ay weerarkaa ka dambeysay.

Ilaa iyo hada biliiska Turkigu wuxuu usoo qabtay weerarkaa la-tuhunsaneyaal gaaraya dhowr iyo toban qof.

Hargeysa Online