Hawl-gallo lagu Raadinayo Xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka soconaya Degmada Balad-xaawo.
Posted by xaaji on July 04 2016 23:51:55

Ciidamada Dowladda Somalia, ayaa Hawl-gallo Kawada Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo saraakiishu ay sheegeen inay ku baadi-goobayaan xubno ka tirsan Al-shabaab.


Extended News

Ciidamada Dowladda Somalia, ayaa Hawl-gallo Kawada Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo saraakiishu ay sheegeen inay ku baadi-goobayaan xubno ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha Booliiska Buulo-xaawo, Xuseen Aadan Dhaqane ayaa Sheegay in ay ka War-heleen in xubno ka Tirsan Xoogagga Al-shabaab ay Degmadaas soo galeen, si ay Falal ammaan-darro uga geystaan.

“Waxaan ka war-helnay in laba ka mid ah xoogagga Al-shabaab ay soo Balad-xaawo soo galeen, kuwaasoo aan ka baqdin qabno inay falal amni-darro ka geystaan. Hawl-galladanna waa kuwo aan ku baadi-goobayno labadaas xubnood,” ayuu yiri taliyaha saldhigga booliisk degmada Balad-xaawo.

Sidoo kale, Dhaqane ayaa sheegay inay raadinayaan gaari Isbitaalka Balad-xaawo uu lahaa oo kuwa gar-gaarka deg-degga ah ahaa oo xubno ka tirsan Al-shabaab dhaceen.

Dhanka kale, Taliyaha ayaa xusay inay hawl-galladu weli socdaan, ayna wixii natiijo ah ee kasoo baxa dib ayaan kaga soo sheegi doonnnaa Warbaahinta, iyadoo hadalkaan uu kusoo beegmayo, xilli ammaanka degmadaas uu dhawaanahan ahaa mid wanaagsan.

Ugu dambeyntii, Degmada Balad-xaawo oo ku Taalla meel ku dhaw Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, ayaa waxaa dhawr jeer oo hore ka dhacay Weerarro ay Xoogag ka tirsan Al-shabaab geysteen.

Hargeysa Online