G/ J beesha Daauud Ismaaciil ee dalka Ingiriiska oo munaasibadda ciidul fitriga awgeed hambalyo u diray..
Posted by xaaji on July 06 2016 09:06:09

Annagaoo ah Jaalliyadda qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaacil(Ciidagale) waxaanu munaasibadda ciidul fitriga awgeed hambalyo ugu dirayna  umadda muslimiinta.


Extended News

Bismillaahi Arramanirraxeem.  dammaan ummadda reer Somaliland waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.


Annagaoo ah Jaalliyadda qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaacil(Ciidagale) waxaanu munaasibadda ciidul fitriga awgeed hambalyo ugu dirayna  umadda muslimiinta guudahaan gaarahaan shacabka reer Somaliland oo aanu leenahay ku ciida ciid wanaagsan caafimaad iyo sannadka sannadkiisa in Allaah innagu gaadhsiiyo horumar nabadgelo waarta iyo  dalka jamhuuriyadda Somaliland oo dalku wuu is aqoonsaday ee caalamkana ka hela aqoonsi buuxa

Annaga oo ka faaiidaysanayna munaasibadda qiimaha leh waxaanu si buuxda u soo dhowaynayna sida taariikhiga ah ee ay dawladda Somaliland iyo shacabka deegaanka Banka qoolcaday is afgaradka uga gaadheen arrinta lagu kala aragtida duwanaa ee Bankaas, kaas oo ku dhamaaday sidii khayrku ku jiray oo ah in dhulka biyo looga soo saaro xoolaha iyo dadka aabaaruhu daashadeen loona sameeyo goobo lagu xanaaneeyo dadka iyo xoolaha ay dalka u ilaalinayaan,bankana sidiisa loo daayo.

Waxaa ku sharfan cid kasta oo ka qayb qaadatay soo af jaridda arrintaas.

Guddida Jaalliyadda beesha ee reer UK

  1. Deeq Cabdi Digale======= Guddoomiye.
  2. Mustafe Cabdulahi Ismacil==Guddoomiye ku xigeen.
  3. Mahad Cabdi Xaji Good===Xoghaye.
  4. Cabdi Cabdulahi Mooge==xubin.
  5. Maxamed Cabdi Omaar===xubin.
  6. Cabdi Cali Xusen======xubin.
  7. Adan Farax Geedi=====Xubin.
  8. Fuaad Cisman Muxumed==xubin.
  9. Cabddulahi Xasan Maxamed=xubin.
Allaah ayaa mahad leh
Ciid mubaarak