Warsaxaafadeed Baaq Hambalyada Ciida Fidriga.
Posted by xaaji on July 06 2016 09:57:43

Dallada xidhiidhisa bulshada reer Somaliland ee Yurub (Somaliland Society in Europe) waxay dhammaan bulsho-weynta Islaamka.


Extended News

Dallada xidhiidhisa bulshada reer Somaliland ee Yurub (Somaliland Society in Europe) waxay dhammaan bulsho-weynta Islaamka, gaar ahaana dadka reer Somaliland dhambaalkan idiinku soo gudbinaysaa munaasabada Ciida fidriga oo ku beegan maalinta Arbacada ee 6 Julay 2016

Ugu horreyn Ilaahay ayaa mahadi u sugnaatey iyadoo dalkeena iyo dadkiisuba ay ku ciidayaan nabadgelyo isla markaana farxada ciidu ay inoogu soo galeyso inagoo ku sugan xasilooni iyo deganaansho. Mar labaadka waxa aanu qurbo joog ahaan idiinka boogaadinaynaa shicib ahaan iyo xukuumad ahaanba sida aad heeganka ugu tihiin ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.

Guud ahaan dadka reer Somaliland mid dalka ku nool iyo mid qurbaha ku suganba waxa Dallada SSE idiinku boogaadinaysaa munaasbada ciida oo aanu idiin rajaynayno inaad ku ciidaan jawi farxadeed oo uu weheliyo caafimaad qab iyo raynrayn. Munaasabada ciidan Fidriga ayaanu Ilaahay ka baryaynaa in goobaha aynu ku kulmayno jawigooda iyo qaabka aynu u ciideynaa uu inoo noqdo mid kheyr iyo wanaag uu weheliyo.Sidoo kale Ilaahay ayaynu ka baryaynaa inuu Ciida dambe inagu gaadhsiiyo wanaag, nabad iyo barwaaqo.

 
Munaasbada Ciida darteed ayaanu dhammaan dadka reer Somaliland xasuusinaynaa in Ilaahay inagu manaystay dal ay tahay inaynu ku faro-adeygno qaranimadiisa iyo dowladnimadiisa.Ilaahay ayaynu ka baryaynaa inuu inaga yeelo kuwo fahmo nicmada la ina siiyay isla markaana adkeysta xornimda iyo karaamada oo ah waxa ugu qaalisan ee u baahan in la ilaaliyo inta la noolyahay.
Urur Weynaha SSE wuxuu mar walba xukuumadda iyo shicibka reer Somaliland kula dardaarmayaa in aan marnaba la sahashan qiimaha ay inagu kacdey qaranimada iyo xorriyada aynu maanta dugsinayno isla markaana wax walba laga horumariyo sidii loogu faro adeygi lahaa ilaalinta danta guud.

Hannaanka geedi socodka Somaliland wuxuu weli marayaa marin dhib badan oo ka gudubkiisu u baahanyahay isku duubni, adkeysi, dulqaad iyo shaqo ku salaysan xirfad iyo hawlkarnimo.

 Mar kale ciid wanaagsan iyo hambalyo diiran oo aanu idin leenahay ku ciida caafimaad iyo farxad.


Guddiga Fulinta ee Dallada SSE