Shan Nin oo Somali ah oo lagu maxkamadeeyey wadanka jarmalka.
Posted by xaaji on July 09 2016 03:00:18

Maxkamad ku taalla Waddanka Jarmalka ayaa ku xukuntay Xabsiyo kala duwan shan rag ah oo la sheegy inay u Dagaallameen Al-shabaab oo Dagaal kula jirt dowladda Somalia.


Extended News

Maxkamad ku taalla Waddanka Jarmalka ayaa ku xukuntay Xabsiyo kala duwan shan rag ah oo la sheegy inay u Dagaallameen Al-shabaab oo Dagaal kula jirt dowladda Somalia iyo ciidamada AMISOM. Raggaan oo dhammaantood haysta dhalashada Jarmalka, ayaa muddo lagu hayay xabsiga, iyadoo ugu dambeyn ay maxkamaddu ku xukuntay xabsi u dhexeeya saddex sano illaa shan sano. Xubnahan la xukumay ayaa waxay kala yihiin; Cabdullaahi, Cabdisalaan iyo C/waaxid W oo asal ahaan Somali ah, Steven N iyo Mounir T oo iyaguna ka soo jeeda Tuuniisiya. Sidoo kale, Raggaan ayaa la sheegay inay ku noolaayeen Magaalada Bonn ee xarunt dalka Jarmalka, ayna sannadkii 2012-kii u safreen Kenya, ayna uga gudbeen sannadkii xigay Soomaaliya, qaarkoodna ay wateen xaasaska iyo carruurta. Maxkamadda ayaa laga hor-sheegay in raggan ay qaateen tababar dhawr bilood socday, ayna markaas kaddib billaabeen inay la hawl-galaan xoogaga Al-shabaab, balse ay sannadkii 2014-kii ay kasoo tageen Soomaaliya. Saddex Raggan ka mid ah ayaa la sheegay inay la xiriireen safaaradda Dalka Jarmalka ee Nairobi, halka labada kalena la xiray markii ay dib ugu laabteen magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka. Ugu dambeyn, maxkamadda ayaa sheegtay in Abdiwahid W. iyo Mounir T. oo ragga la xukumay ka mid ah; inay doonayeen inay u duulaan Suuriya si ay ugu biiraan kooxda ISIS ama Daacish. -

Hargeysa Online