Madaxweyne Siilaanyo oo Maanta ka Qayb-galay Aaska John Drysdale.
Posted by ifraax on July 13 2016 06:32:59

Allaha u naxariistee, Cabaas Idiris (Ex.John Drysdale) oo hore xilal uga soo qabtay Somaliland Wakhtigii Gumaystaha, isla markaana Sannadkii 2009-kii Diinta Islaamka.


Extended News

Allaha u naxariistee, Cabaas Idiris (Ex.John Drysdale) oo hore xilal uga soo qabtay Somaliland Wakhtigii Gumaystaha, isla markaana Sannadkii 2009-kii Diinta Islaamka qaatay, ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey magaaladda Hargeysa. Aaska marxuumkan Cabaas Idiris oo muddo dheer ku noollaa Somaliland, isla markaana wax badan kasoo qabtay horumarinta Somaliland horana madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal la taliye u noqday ayaa aaskiisa waxa ka soo qaybgallay madaxweynaha, madaxda goleyaasha qaran iyo safaaradda Ingiriiska ee Addis-ababa. Madaxweynaha Somaliland, Axmed Silaanyo oo ay weheliyaan wasiiro, xildhibaano, masuuliyiin kale oo qaranka ka tirsan, culimu diin, Madaxdhaqameed iyo dadweyne tiro badan ayaa ka Qayb-galay Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum Cabbaas Idiris(John Drysdale). Marxuumka oo lagu aasay Xabaalaha Masallaha ee Koonfurta Caasimada ayaa waxa kale oo xaadir ku ahaa Mas'uuliyiinta Safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya oo ay Hoggaaminaysay, Ms. Lissie Lovett oo ah xoghayaha labaad ee safaaradaasi, Waxaana lagu Tukaday Meyd Marxuumka oo lagu shaqlay Calanka Somaliland hareerahana ay hayeen cutubyo ka tirsan ciidamada Qaranka Somaliland.

2016712636039273135923957cabaas20irid.jpg

2016712636039273326370976dsc_0045.jpg

2016712636039275667197967dsc_0009.jpg

2016712636039276231731215dsc_0022.jpg

2016712636039277389747189dsc_0091.jpg

2016712636039278430353841dsc_0031.jpg

2016712636039278762518351dsc_0063.jpg

Waxaa Salaadda janaasada tukiyey wasiirka diinta iyo awqaafta sheikh Khaliil Cabdilaahi Axmed. Madaxweynaha Somaliland oo Salaada Janaasada, kadib hadlay ayaa marxuumka EEBBE uga baryey inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo qoyska, ehelka, asxaabta iyo shacbiga Somaliland iyo Ingiriiskaba samir iyo iimaan ka siiyo. Wuxuu Madaxweynuhu intaa raaciyey inuu Cabbaas ahaa nin weyn oo qiimo badan lahaa, noloshiisa oo dheeraydna uu ku qaatay wax u qabashada Somaliland oo ah Dalkiisi labaad iyo Ingiriiska oo ahaa dalkii uu asal ahaan ka soo jeeday. "Innaa-lillaahi - wa innaa ileyhi raajucuun, Cabbaas Idiris (John Drysdale) wuxuu ku dhintay Muslin-nimo, Ilaahay waxa aanu uga baryeynaa inuu naxariistiisi janno ka waraabiyo dhamaanteena samir iyo iimaan naga siiyo. in-naa ilaahi wa in-naa ilaahi Raajucuun "ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey geeridda Cabaas. Waxaa iyaduna Halkaasi ka Hadashay, Xog-hayaha labaad ee Safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya, oo ku tilmaantay marxuumka inuu ku Sun-tanaa isku xidhka Somaliland iyo Ingiriiska. Waxayna Halkaas ka Akhriday qoraal ay soo direen qoyskii Marxuumka kuwaasoo ah laba haween ah ay Walaalo ahaayeen marxuumka, iyo carruur ay dhaleen. Waxaana ka mid ahaa Hadalladeeda. "John Drysdale (Cabbaas Idiris) wuxuu ahaa astaanta isku xidha Somaliland iyo Ingiiska. Waxa kale oo uu ahaa nin qiimo badan leh oo dad jeclaa, dadkuna isugu mid ahaayeen, isku sina u tixgelin jiray, hadduu yahay Boqor, Madaxweyne, iyo Qof kaleba". Sidoo kale, Waxaa Aaska marxuumka ka hadlay, Wasiirka Madaxtooyada, Maxamuud Xaashi Cabdi, Dr. Adna Aadan Ismaaciil, Amb Cismaan Axmed Xasan (Cismaan Indhoole), Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, iyo duqa Gabiley, Maxamed-amin Cumar Cabdi, waxaanay dhamaantood ka warameen aqoonta ay u lahaayeen marxuumka, iyagoo ku sifeeyey inuu ahaa shaqsiyad leh waayo aragnimo dheer, siyaasi ahaa, aqoon yahan ahaa, qoraa ahaa, isla markaana ahaa saaxiib weyn oo lahaa dad jacayl iyo dal jacayl gaar ahaan Somaliland. Waxa kale oo ay ku tilmaameen hawl kar sheeko badan iyo kaftan badan lagu yaqiinay, kaas oo ku daali jiray wax u qabashada dadka iyo dalka Somaliland. Waxay Marxuumka ugu duceeyeen inuu naxariistiisi janno ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii iyo muwaadiniinta labada dal ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo Si kastaba ha ahaatee, taariikhda Cabaas Idiris oo kooban waxay ayaa qornayd sidan ""John Drysdale waxa uu ka mid ahaa ciidamadii Ingiriiskii ee Somaliland la keenay sannadkii 1943-kii laba sano ka hor dhammaadkii dagaalkii labaad ee aduunka , waxaana ujeedadii ciidankaasi ahayd in Maxmiyadii Somaliland ay ka difaacaan ciidamadii Talyaanigii ee Koonfurta Soomaaliya ku sugnaa ee duulaan ku qabsaday dhul badan oo Geeska Afrika yaala oo ay ka mid ahaayeen Somaliland, ETHIOPIA ilaa xeebta ERITREA . Drysdale waxa uu markii hore uu la shaqeeyay maamulkii Ingiriiska , iyada oo markii Somaliland ay madaxbanaani heshay 26 bishii June 1960 kii oo ku nagaaday Soomaaliya ,waxaana inta badan oo uu sugnaa Muqdisho oo ahayd xarunta dawlada , waxa galangal siyaasadeed ku lahaa dalka oo uu saaxiib kala ahaa siyaasiyiin ay is barteen wakhtigii gumaysiga . Wuxuu marxuuku ku hawlanaa ururinta xogta dhaqanka & siyaasada Somalia oo u si weyn u daynayn jiray , waxaana uu qoraalo badan isaga oo qorey buuga caanka ah ee Whatever happened To Somalia oo uu kaga hadlay nidaamka dawliga ah , dagaaladii sokeeye ee qaba’iilka dhexmaray iyo hawlgalkii Qaramada Midoobey ee UNISOM . Markii dhacday Dowladdii Somalia 1991-kii waxa uu u guuray Hargeysa 1993-kii , waxa uu ku hadli jiray Af-Soomaaliga oo daraasayn jiray , inkastoo aanu badan adeegsan jirin . Drysdale (Idiris) Wuxuu qaatay Diinta Islaamka sanadkii 2009-kii oo uu rasmi ahaan u shaaciyay inuu Islaamay, Wuxuuna ka Aragti duwanaa Xubnaha Qoyskiisa oo ku noolaa Dalka Britain oo in badan ay isku khilaafsanaayeen joogitaankiisii Soomaaliya . Idiris Drysdale wuxuu Geeriyooday 10-kii bishan July, 2016-ka, Wuxuuna ahaa qof Soomaalida aad u jecel, laakiin da’ada oo hawlgab ka dhigtay kuma waarin in uu la noolaado dadkii u jeclaa . Marxuum Cabbaas, Waxaa madax looga dhigay waqtigii Gumaystaha Gobolka Sool oo uu Ingiriiska u fadhi jirey, waxa kale oo uu wakiil u noqday Jig jiga oo uu u fadhiyi jiray waddanka Ingiriiska, kaddib markii gumaystuhu ka kacay Somaliland waxa uu noqday saraakiishii ka shaqayn jirtay Safaarada UK ee Muqdisho.


Hargeysa Online