Golaha Wasiirada Somalia oo Maanta ka hadlay weerar lagu qaaday saldhig ay Al-shabaab.
Posted by ifraax on July 15 2016 00:03:40

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan uu shir-gudoominayay RW ku-xigeenka Somalia.


Extended News

 

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan uu shir-gudoominayay RW ku-xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte ayaa looga dooday qodobbo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Hawl-gallo Qorsheysan oo ka dhacay gudaha dalka. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa Golaha Wasiirrada Warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Amniga Dalka, isagoo si gaar ah uga hadlay hawl-gal qorsheysan oo ciidanka gaarka ah ee dowlada federaalka Somalia ay ka fuliyeen deegaanka Goobaale oo 80-km u u jira garoonka Ballidoogle ee gobolka Shabeellada Hoose halkaasoo Al-shabaab u ahayd Saldhig Qarsoodi ah. Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in la burburiyay xeradaas, isla markaana lagu dilay xoogag iyo saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab oo uu ku tilmaamay Koox Argagixiso ah. Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada, ayaa u soo jeediyey Guddoonka Baarlamaanka Somalia in la ansixiyo sharciga Is-gaarsiinta Dalka oo muhiim u ah isgaarsiinta Soomaaliya, kaas oo horyaalla golaha Shacabka Soomaaliya.

Hargeysa Online