Madaxweyne Siilaanyo Oo magacaabay todoba Degmo oo Cusub.
Posted by ifraax on July 15 2016 00:12:09

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4090/072016.


Extended News


Hargeysa (Hargeysa Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4090/072016 ku magacaabay todoba Degmo oo Cusub.



Madaxweynuhu:-



Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqraddiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland



Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka



Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka



Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in Degaanka Geba-gebo loo magacaabo Degmo cusub



Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha;



Wuxuu go’aansaday;



Ø In uu Balli-mataan u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Maroodi-jeex.

Ø In uu Geba-gebo u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.

Ø In uu Faqayuub u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.

Ø In uu Shaxda u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Xaysimo.

Ø In uu Wadaamagoo u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Saraar.

Ø In uu Adhi-cadeeye u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sool.

Ø In uu Gumburaha u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Hawd.



ALLAA MAHAD LEH



Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.