Al-shabaab oo Maanta weerar gaadmo ah ku dilay askar ka tirsan ciidanka Kenya.
Posted by ifraax on July 16 2016 00:33:20

Al-shabaab ayaa maanta weeraray kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidammo Kenya ee AMISOM ka tirsan oo ay wehliyeen kuwo Soomaali ah.


Extended News

Al-shabaab ayaa maanta weeraray kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidammo Kenya ee AMISOM ka tirsan oo ay wehliyeen kuwo Soomaali ah, iyagoo weerarkaas ku dilay Askar Kenyaan ah. Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Qododo oo ku yaala inta u dhexeysa Magaalada Ceel-waaq iyo deegaanka Busaar oo ka tirsan Gobolka Gedo. Sidoo kale, Kolonyada gaadiidka ah ayaa la sheegay inay u socdeen Kenya iyagoo kasoo Ambabaxay Deegaanka Busaar markii Weerarku Qabsaday, Waxayna Wararku intaas ku darayaan in gaadiidkan millateri uu khasaare soo gaaray. Mas’uuliyiin iyo Shacab VOA-da la hadlay - ayaa sheegay in Weerarku uu qarax miino ku billowday, kaasoo lala eegtay gaadiidka ciidamadu wateen, waxaana xilligaas ay marayeen ciidamadu deegaanka Qadodo oo 10-km dhinaca Bari ka xigta Degmada Ceel-waaq. Dhanka kale, Ilo-wareedyo ay VOA-du soo xigatay ayaa sheegay in laba ka tirsan Askarta Kenya ay ku dhinteen Weerarkaan, sidoo kale waxaa dhaawacmay Saddex ruux oo kale oo iskugu jira Askar iyo dad shacab ah. Ugu dambeyn, Saraakiil ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ee Gobolka Gedo ayaa iyaguna sheegay in in saddex ka tirsan xoogaggii Al-shabaab lagu dilay weerarka. Iyadoo weerarka kaddibna uu dagaal labada dhinac u dhexeeya qarxay, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Hargeysa Online