Somaliland Oo Shirkado Caalami Ah u Wakiilatay ilaalinta Dheefaha Dekadda Berbera.
Posted by ifraax on July 16 2016 21:34:08

Xogo cusub oo ku saabsan diyaarinta heshiiska maalgashiga casriyaynta dekadda Berbera ee shirkadda DP World iyo xukuumadda Somaliland.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Xogo cusub oo ku saabsan diyaarinta heshiiska maalgashiga casriyaynta dekadda Berbera ee shirkadda DP World iyo xukuumadda Somaliland dhowaan heshiis hordhac ku kala saxeexdeen dalka Imaaraadka Carabta ayaa shaaca laga qaaday in xukuumadda Somaliland.

 

u wakiilatay shirkado caalami ah u metelayaan diyaarintiisa.

dekeda

Heshiiska maalgashiga oo gaadhaya afar boqol oo milyan doollar oo shirkada DP World ku maalgelinayso casriyeynta dekedda Berbera, lana saxeexatay xukuumada Somaliland bishii May is-afgarad hordhac ah ayaa xogo cusub oo soo baxay sheegayaan in xukuumadda Somaliland ugu xil-saaratay shirkado caalamiga ah inaanay heshiisyadaasi noqon kuwo lagu marin-habaabiyo dheefaha shacabka uga soo bixi doona hirgelintiisa.

Shirkadahan oo tiradooda saddex tahay, isla markaana shaqooyin kala duwan ku takhasusay, kana soo qabtay wadammada caalamka kuwa horumaray iyo kuwa soo korayaba ayaa la sheegay in Xukuumaddu u qabsatay inay shaqada u fuliyaan, isla markaana khidmada shaqadooda u dhammaystirtay.

Shirkadaha xukuumadda Somaliland u wakiilatay inay u metelaan diyaarinta heshiiska maalgashiga dekedda Berbera ee dhex maray shirkada DP World ayaa xogahu sheegayaan inay ugu horeyso shirkada Simmons & Simmons oo xarunteedu tahay Ingiriiska, kuna takhasustay dhinaca sharciyada, oo u metali doonta shacabka Somaliland sidii shuruuc tifaftiran loogu qori lahaa heshiiska maalgashiga ee u dhexeeya DP World, isla markaana waafaqsan nidaamka heshiisyada caalamka.

Shirkada EY Building a better working world, oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa loo xilsaaray inay dhinaca dhaqaalaha heshiiskan dhinacyadu kala helayaan u metasho xukuumadda, iyo inaan lagu daciifin saamiga shacabku ka helayaan faa’iidada heshiiskan iyo wixii la xidhiidha.

Shirkada NIRAS oo fadhigeedu yahay dalka Denmark ayaa sidoo kale la sheegayaa in xukuumadda Somaliland uga wakiil tahay qaabka loo diyaarinayo heshiiska, maadaama ay ku takhasustay ka tallo-bixinta maamulka mashaariicda lagu horumarinayo wadamada caalamka.

Saddexdan shirkadood oo si weyn looga yaqaano caalamka, kuna takhhasusay dhinacyada xukuumadda Somaliland u wakiilatay, sida hore iyo xilliganba in badan oo wadamada caalamku ugu wakiisheen, kuna metalaan heshiisyada dhex maraya dhinacyo kale ayaa xogahu sheegayaan in loo dhammaystiray dhammaan khidmahihii shaqadooda, isla markaana la shaqeeyaan khubarro kale oo Somaliland u dhalatay mid walba.

Gebagebada dhammaystirka heshiiska maalgashi ee u dhexeeya shirkadda DP World iyo xukuumadda Somaliland ee casriyeynta iyo balaadhinta dekedda Berbera oo la saadaalinayaa in qalinka lagu duugo saxeexadiisa horaanta bisha August, isla markaana la bilaabo dhismaha dekedda cusub oo dhererkeedu gaadhayo 400 mitir, oo lagu kordhinayo adeegyada dekedda Berbera, ayaa kaalinta shirkadahan xukuumadu u xilsaaratay la rejaynayaa inay ka soo baxo heshiis shacabka Somaliland ku qancaan.

Soo ifbaxa xogahan tilmaamaya shirkada caalamiga ee xukuumadda Somaliland u diratay inay shacabka Somaliland u soo gooyaan heshiis dhinac walba aan luminayn faa’iidooyinkii laga heli lahaa, ayaa noqonaya mid kalsooni weyn ku sii kordhisa bulshada, oo intooda badan u dhegtaagayaan bilowga maalgashigii ugu badnaa abid ee dalkoodu ka helo caalamka, dariiqana u furi doona maalgashiga kheyraadka dalkeenu ceegaaga.

Hargeysa Online