Xukuumada Somaliland oo ka hadashay Xaalada Madaxweyne Siilaanyo oo ku sugan Turkey-ga.
Posted by ifraax on July 16 2016 21:43:03

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo booqasho nasasho ah ku tagay dalka Turkiga.


Extended News

Hargeysa (Hargeysa Online)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo booqasho nasasho ah ku tagay dalka Turkiga, ayaa lagu soo waramayaa innuu Nabad-qabo, kadib markii xalay Milatariga dalkaasi ay dhigeen afgambi ka dhan ah dawladda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Milatariga wadanka Turkiga ayaa warbixin laga akhriyay TV-ga dawladda, waxay ka sheegeen inay dalka oo dhan ka sameeyeen afgambi ay tallada kula wareegayaan.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax), oo qoraal kooban goor-dhawayd kaga hadlay Xaaladda Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ku sugan dalka Turkiga oo isla goor-wayd xaalad afgambi cagaha la galay, waxaannu sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu ku sugan meel ka durugsan Magaallooyinka Ankara iyo Istanbul.

Qoraalkan Afhayeenka oo lagu baahiyay barta Facebook-ga, ayaa lagu sheegay inaanay Madaxweynaha Somaliland wax dhib ahi ka soo gaadhin Inqilaabkaas, waxaannu u dhignaa sidan

“ Sida aynu la wada socono waxa Dalka Turkiga caawa ka dhacay Inqilaab ay ciidamada dalku fuliyeen sida uu xaqiijiyey Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Binali Yildirim.

Haddaba, waxa halkaasi ku sugan oo xalay gaadhay Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo sidii aan hore u sheegay arimo shaqsi ah u tegay dalkaasi balse madaxweynaha wax dhibi kama soo gaadhin Arrinkaa waxaanu ku sugan yahay magaalo ka.durugsan Ankara iyo Istanbuul.

 

Hargeysa Online