Xafladda ay isugu yimaadeen cuqaal iyo waxgaradka beesha Ciidagale Oo Maanta Ka Dhacay Hargaysa
Posted by abdi on July 19 2016 00:37:26

Waxaa Magaalada Hargaysa ka Dhacay Kulan balaadhan oo loogu diyaar garoobayo Xafladda Wan-qalka Degmada Cusub Ee Balli-Mataan.


Extended News

Waxaa Magaalada Hargaysa ka Dhacay Kulan balaadhan oo loogu diyaar garoobayo Xafladda Wan-qalka Degmada Cusub Ee Balli-Mataan.

Waxaana Kulankan ka soo qeyb galay Madax Dhaqameed, Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somalilad, Aqoonyahan Dhalinyaro iyo Masuuliyiin kale .

img_4341.jpg

img_4346.jpg

img_4348.jpg

img_4349.jpg

img_4354.jpg

img_4356.jpg

img_4359.jpg

img_4367.jpg

img_4374.jpg

img_4381.jpg

img_4395.jpg

img_4399.jpg

img_4413.jpg

img_4429.jpg

img_4432.jpg

img_4438.jpg

 

Ugu horeen Waxaa Halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddida Gaashaambuur Maxamed Cismaan waxaanu u mahad Naqay Madaxweynaha Somaliland iyo Dhamaan Masuuliyiin ka qeyb qaatay Magacaabista Degmadan, waxaanu intaasi ku daray in Beeshiisu Shirtay Islana Qaadatay in Degmadani noqoto degmo loo siman-Yahay.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Madax Dhaqameed Waxaanay Dhamantod Bogaadiyeen Demgadan Cusub .

Wasiir Cukuse iyo Gudoomiye Jaamac Shabeel ayaa iyaguna halkaasi ka hadlay, waxaanay si isku mid ah uga hadleen Muhimadda ay leedahay in Degmadaasi la wada Dhisto oo la cammiro .

Gudoomiye Ku Xigeenka Guddida Sahan Barwaaqo Axmed Guud Cade oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan Degmadan Cusub .

Ugu Danbeen waxaa Halkaasi ka hadlay Suldaanka Guud Ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir Waxaanu u duceeyay Degmada Cusub Isagoo Ballan Qaaday in 10-Awr uu ugu deeqay Xafladda Wan-Qalka Degmada Cusub Ee Balli-Mataan .

 

Hargeysa Online