Guddomiye Cirro Iyo Waftigii Uu Hogaaminaayey Oo Soo Kormeeray Dagmooyinka Ceel-Afweyn Iyo Gar-Adag .
Posted by abdi on July 19 2016 01:05:40

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI iyo weftigii ballaadhnaa uu hoggaaminaayey ee SAMA-WADE oo muddooyinkan ba socdaal.


Extended News

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI iyo weftigii ballaadhnaa uu hoggaaminaayey ee SAMA-WADE oo muddooyinkan ba socdaal u jeedkiisu ahaa wacyi-gelinta diiwaan-gelinta ku ku soo maraayey deegaanada gobalka Sanaag oo ay dhowaan ka billaabantay, ayaa maanta kormeer ku soo maray magaalooyinka Yufle, Kal-mac, Kal-sheekh, Ceel-Afweyn, Ceel-Nimcoon, Fadhigaan iyo Gar-adag oo ay si habsami ah uga socoto diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland.
Weftigan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen mas’uuliyiin sare sare oo ka tirsan xisbiga WADDANI, hoggaanada, guddida fulinta, garabka haweenka iyo xidhibbaano, waxaana dadweynaha deegaanaddaasi ay ku qaabileen soo dhaweyn aad u diiran iyaga oo ay ka muuqatay heelanaan xoogga oo ay u qabeen weftiga SAMA-WADE sida oo kalena muujinaayey rabitaankooda isbedel ee ay ku raadinayaan in ay iskaga tuuraan heeryada Kulmiye ee horumar la’aanta iyo cadaalad darrada.

Qaar ka mid ah dadweynahii ku dhaqnaa deegaanaddaas oo ka dib soo dhaweyntii weftiga halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin kormeerka diiwaan-gelinta ee guddoomiye Cirro ku soo booqday, iyaga oo tilmaamay in ay heelanaan u qabaan xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay hormuud u yihiin in ay ka qeyb-qaataan isbedel taam ah oo ka hirgala guud ahaan dalka.

“Farxadweyn bay noo tahay in aanu maanta halkan ku soo dhaweyno weftiga SAMA-WADE ee xisbiga WADDANI, guddoomiye soo dhawoow, soo dhawoow, waa deegaanaddaadii, waa deegaano u heelan xisbiga WADDANI iyo isbedelka uu wado, mar walba waxa aanu hormuud ka nahay isbedelka, waxaana aanu caddeynaynaa in aanu iska tuurayno heeryadii Kulmiye ee cadaalad darrada iyo horumar la’aanta.”. Ayey yidhaahdeen dadweynahii deegaanaddaasi.

Xildhibbaan Rayte, Xildhibbaan Maxamed Saalax iyo mas’uuliyiin kale oo iyaguna ka hadlay isla deegaanaddaasi, ayaa dhankooda waxa ay muujiyeen in xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga kaliya ee maanta dalka ka saari kara marxaladda adag ee uu ku jiro isla mar ahaantaana guud ahaan umadda Somaliland u horseedi kara horumar, caddaalad iyo sinnaanshiyo, iyaga oo si gaara u iftiimiyey ahmiyadda ballaadhan ee xisbiga WADDANI uu siinaayo shacabka ku dhaqan deegaanada Bariga Somaliland.

img_28731.jpg

img_28812.jpg

img_29072.jpg

img_29094.jpg

img_2913.jpg

img_29342.jpg

img_29461.jpg



Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa dhankiisa waxa uu si weyn ugu mahad-celiyey dhammaanba dadkii kala duwanaa ee ku soo dhaweeyey deegaanaddaasi, isaga oo sheegay in u jeedka ay u socdaan uu yahay siddii ay shacabka isbedel doonka ah uga la qeyb-qaadan lahaayeen uguna wacyi-gelin lahaayeen qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland, waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay ka xisbi ahaan muhiim gaar ah siinayaan horumarinta goballada Bariga Somaliland, gaar ahaan Kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee bulshada ba.

“Waanu idiin mahad-celinaynaa sida fiican ee aad noo soo dhaweyseen, u jeedka aanu u soconayna wuxu ahaa in aanu idin kala qeyb-qaadanno oo soo kormeerno sida ay u socoto diiwaan-gelintu, waxaana farxad noo ah in dhammaanba deegaanada aanu soo kormeernay ay si habsami ah uga socoto diiwaan-gelintu, shacabkana waxa aanu ku wacyi-gelinaynaa in ay dhammaantood ba si mugle uga qeyb-qaataan qaadashada kaadhka. Xisbiga WADDANI mar walba wuxu u balan-qaadayaa in uu dib u soo celin doono, korna u qaadi doono dhammaanba kaabeyaashii dhaqaalaha ee gobalka, muhiim gaar ahna wuxu xisbigu saari doonaa horumarinta goballada Bariga Somaliland.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cirro.

 

Hargeysa Online