Fannaankii Shay Mire Dacar oo Hargeysa ku geeriyooday.
Posted by abdi on July 19 2016 01:17:12

Waxaa shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa fannaaniinkii Cabdullaahi Mire Dacar (Shay Mire Dacar) oo ka mid ahaa fannaaniinta Soomaaliyeed.


Extended News

Waxaa shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa fannaaniinkii Cabdullaahi Mire Dacar (Shay Mire Dacar) oo ka mid ahaa fannaaniinta Soomaaliyeed kuwa codkooda aadka loo jecel yahay, kaasi oo dhawaanahan xanuunsanayay.

 

Caabbi Mire Dacar oo la dhashay marxuumka oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in walaalkiis uu ku dhintay magaalada Hargeysa sababo la xiriira xanuunka dhaxanta oo muddo hayay.

Shay Mire Dacar wuxuu ku dhashay Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag sanadkii 1969-kii wuxuuna fanka billaabay bartamihii sideetamaadkii, isagoo caan ku ahaa heesaha qaaciga ah ee kabanka lagu tumo, kuwaasi oo uu ku soo jiitay dad badan.

Burburkii kaddib wuxuu Shay Mire Dacar u wareegay magaalada Boosaaso oo uu shaqo u tegay, wuxuuna halkaas ku soo saaray heeso badan . Heesihiisa caan baxay ee ay dadka xusuusan karaan waxaa ka mid ah Bishaaradii nafteyda, Heello Laas-qoray iyo kuwo kale. Magaalada Hargeysa ayuu u wareegay sanadkii 1998-kii, halkaas oo uu ku noolaa illaa uu ka geeriyooday.

Alle ha u naxariistee Shay Mire Dacar wuxuu bandhig faneedyo u tegay dalalka Jabuuti, Imaaraadka Carabka iyo Ingiriiska, kuwaasi oo ay ku sugan yihiin taageerayaashiisa.

Sida dad badani ku sifeeyeen wuxuu ahaa Shay Mire Dacar nin hadal yar oo dhowrsoon, dadkuna ay si weyn u qadariyaan. Marxuumka wuxuu ifka kaga tegay Shan caruur ah oo isugu jira 3 wiil iyo labo hablood.

Meydka marxuumka ayaa maanta lagu aasay magaalada Hargeysa oo muddooyinkii ugu dambeeyay noloshiisa uu ku noolaa.

 

Hargeysa Online