Ciidammo Cusub oo ka Socda Dalka Uganda oo soo Gaaray Magaalada Muqdisho.
Posted by abdi on July 19 2016 01:24:04

Ciidammo cusub oo ka socda Millateriga dlaka Uganda, ayaa lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho.


Extended News

 

Ciidammo cusub oo ka socda Millateriga dlaka Uganda, ayaa lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho, iyagoo qayb ka noqon doona ciidamada AMISOM ee ka hawl-gala Soomaaliya. Guutadan ciidanka ah ayaa bedeli doonaan guuto ciidammo ah oo ay hawshoodii u dhammaatay, sida ay sheegeen saraakiisha sar ee AMISOM. Xukuumadda Kampala ayaa ah midda ay ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya, waxaana kaga sugan 6,700 oo askari, marka la eego tirada guud ee ciidanka AMISOM oo ka badan 22,000 oo askari, waxaana ciidamada kale ay ka socdaan Waddamo ay ka mid yihiin; Burundi, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti. Ciidamadan cusub ee ka socda dalka Uganda oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa taliye u ah sarkaal lagu magacaabo, Anthony Mbuusi Lukwago, iyadoo markiiba loo daabulay dhanaca gobolka Shabeellada Hoose. "Waxay ciidamadan cusubi ka qayb-qaadan doonaan hawlgallada Somalia ka socda, gaar ahaan dagaallada lagula jiro Al-shabaab, muddo ayay ciidankan ku jiri doonaan hawlgalka," ayuu yiri taliyaha ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan, Brig. Sam Okiding. Isagoo intaas ku daray. "Ciidankan kuwo dagaal-yahanno ah. Waxaana si aad ah ugu kalsoonahay inay wax badan kusoo kordhin doonaan hawl-galka ka socda Soomaaliya." Dhanka kale, Taliyaha Ciidamadan cusub, Col. Anthony Mbuusi Lukwago ayaa isagana rajo wanaagsan ka muujiyay ka qayb-qaadashadooda Hawl-gallada ka socda, isagoo yiri. "Waxaa naga go'an inaan hawlgallada socda qaybteena ka qaadanno, waayo tababar wanaagsan ayaan soo qaadanay ka hor intaan soo gaarin Muqdisho." Ugu dambeyn, Col. Lukwago ayaa hadalkiisa ku daray inay rumeysan yihiin in hawsha loo xilsaaray ay kasoo bixi doonaan, ayna sameyn doonaan wixii ay awoodaan si ay uga guuleystaan cid walba oo ka hor-timaadda. -

Hargeysa Online