Waan Guddoomay Caleemmo-saarka Murashaxnimada ee Xisbiga Jamhuuriga.
Posted by ifraax on July 22 2016 22:05:33

 Ayadoo shalay loo doortay Donald Trumph inuu noqdo murashaxa doorashada ee u tartamaya madaxweynenimada Mareykanka.


Extended News

 

Ayadoo shalay loo doortay Donald Trumph inuu noqdo murashaxa doorashada ee u tartamaya madaxweynenimada Mareykanka ayaa uu guddoomay arinkaa.

Haatan ayaa uu ballan qaad sameeyay kusaabsan waxyaabaha uu qaban doono hadii la doorto oo madaxweyne uu ka noqdo Mareykanka.

Wuxuu sheegay asagoo ka hadlaayay Cleveland carriga Mareykanka inuu la dagaalami doono isla markaana uu tirtiri doono fallaagada Daacish.  

Wuxuu kaloo ballan qaaday in uu soo celin doono u hoggaansamida sharciga iyo kala dambeynta gudaha dalka Mareykanka ayadoo dhawaan arimahaasi ay faraha kasii baxayeen oo dilalku dalkaa ku bateen.

Wuxuu kaloo ballan qaaday inuu horumarin doono guud ahaan siyaasada Mareykanka ee gudaha iyo dibada.

Wuxuu sheegay inuu wax ka qaban doono dhibaatooyinka ka jira caalamka gaar ahaan Suuriya, Ciraaq iyo Liibiya.  

Donald Trump oo ah nin aad iyo aad ay afkaartiisu u qallafsan tahay ayaa ugu dambeyn ku guuleystay arinkaa markii uu iska reebay oo isreebreebka ugaga adkaaday dhammaan murashaxiintii kale ee kula loolamayay arinkaa ee isla xisbigiisa.

Hargeysa Online