Danjiraha Mareykanka ee Somalia oo soo Gaaray Muqdisho.
Posted by xaaji on August 09 2016 22:34:33

Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa ku soo dhaweysay maanta Muqdisho safiirka cusub ee Dalka Marykanka ee Somalia,


Extended News

Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa ku soo dhaweysay maanta Muqdisho safiirka cusub ee Dalka Marykanka ee Somalia, Stephen M. Schwartz oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho. Danjire Stephen M. Schwartz ayaa ah safiirkii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo Soomaaliya loosoo magacaabo tan iyo sannadkii 1991-kii. waxaana lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somalia in magacaabiddan ay caddeyn u tahay xiriirka xoogan ee u dhaxeeya Somalia iyo Mareykanka. Sidoo kale bayaanka ayaa lagu xusay in tani ay tilmaan cad u tahay in dalka Somalia uu u jiheystay dhanka deggenaanshaha iyo horumarka. Safiirka Cusub ee Marykanka ee Soomaaliya, ayaa Waxaa laga Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo, inkastoo aan la sheegin inuu ku shaqeyn doono Magaalada Muqdisho iyo inuu goobo kale oo ka baxsan uu hawshiisa ka wadi doono. "Mareykanka iyo Somalia waxaa ka dhaxeeya Xiriir adag oo Taariikhi oo laba geesood ah. Waxayna Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliya u arkaan Xukuumadda iyo Shacabka Mareykanka Saaxiibbo dhab ah iyo is-bahaysi garab-is-taagay Soomaaliya intii lagu guda jiray waqtiyadii adkaa ee laga soo gudbay," ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia. Ugu dambeyn, waxaa bayaankaan lagu yiri Xukuumadda Federaalka Somalia, waxay ku howlan tahay sidii ay u Xoojin lahayd Xiriirka Laba Geesoodka iyo is-kaashiga ah ee Dhinacyada badan leh ee kala dhaxeeya Mareykanka.

Hargeysa Online