Nin Itoobiyaan ah oo soo Dacweeyay laba Ruux oo Suudaani ah.
Posted by xaaji on August 09 2016 22:51:35

Nin Itoobiyaan ah ayaa soo Dacweeyay laba Ruux oo Ganacsato Suudaani ah oo ku nool magaaladda Hargeysa, ayaa loo gudbiyey dacwadoodii Itoobiya.


Extended News

 

Nin Itoobiyaan ah ayaa soo Dacweeyay laba Ruux oo Ganacsato Suudaani ah oo ku nool magaaladda Hargeysa, ayaa loo gudbiyey dacwadoodii Itoobiya ka dib markii ninka Itoobiyaanka ahi ku dooday inuu lacag ku leeyahay. Garyaqaan Mubaarig Maxamuud Cabdi ( fallaag) oo ku jiray dacwadda labadda ganacsate ee Suudaan ayaa sheegay in ninka Itoobiyaanka ahi sheegtay inuu labaddan nin ku leeyahay lacag oo ay shuraako ku ahaayeen ganacsi ka dibna labadda Carabta ahi lacagtii aanu siin, sidaas darteed ciidanka amniga ka codsaday in loo xidho, isla markaana dacwadiisa loogu wareejiyo dalka Itoobiya. Sidoo kale, Garyaqaankan ayaa xusay in sifo sharciga ka baxsan dacwadda labadda dhinac loogu gudbiyo dal kale, taasoo ka hor-imanaysa ayuu yiri sharciyadda wadanka. Ninkan Itoobiyaan ah ee xidhay labadda nin ee Sudaaniga ah ayaa wakhtigiii askarti qabanayeen sawiro ka qaaday maxaabuustan ka dibna waalidkii dhalay labadda ganacsadde oo Masar jooga u diray si u madax furasho uga bixiyo lacag, isagoo fariimo u diray ah inuu gawrici doonno haddii aan lacag usoo dirin sidda waalidkii dhalay usoo sheegay garyaqaankii kiiskooda ku jiray. Ninkan Itoobiya ah oo magaciisa la yidhaa Dinni oo ay garabsiinayeen Dad Soomaali ah ayaa dacweeyey labadan nin ee Reer Suudaan, taasina ay keentay in loo xidho, haseyeeshee maxkamadda degmadda Hargeysa dalbatay in dacwadda lagu haysto labadan nin loo soo gudbiyo iyadoo muddo shan cisho ah ku keenaan, haseyeeshee markii ay maxkamadda keeni kari waayeen dacwadii ay ku haysteen uu ninkii Itoobiyaanka ahaa dalbaday in Itoobiya loogu gudbiyo si halkaasi ay ugu soo kala baxaan, sidaas ay fuliyeen ciidanka amniga ee gacanta ku hayey sida uu noo sheegay garyaqaanka u doodayey labaddan nin ee Suudaaniga ah. Garyaqaan Mubaarig Maxamuud Cabdi ( fallaag) oo looyarka u doodayey oo kiiskanka warbixinahyey waxa uu yidhi "Ninka Itoobiyaan ah oo magaciisa la yidhaa Diini ayaa soo kaxaystay ciidanka Dambi baadhista waxaanu soo dacweeyey laba nin oo Suudaan ah oo ka ganacsadda xoolaha oo ku nool magaaladda Hargeysa, waxaanu ninka Itoobiyaanka ahi ku eedeeyey inuu lacag ku leeyahay labadan nin, waxaanu askar dul keenay labadan nin ee Carabta ah oo gurigoodda ku jooga, nasiib daro waxa wax lala yaabo ahaa in ninkani Itoobiyaan ahi uu sawirto raggii u xidhnaa oo uu sawiro ka qaado iyagoo gacmaha ka xidhan askartuna u ogolaadeen inuu sawirto oo guriga lagu soo dhex qabtay sawiro kaga qaaday, waxaanu sawiradii u diray Ragan xidhan aabahood oo jooga Masar waxaanu sheegay in inamadiisa isaga u afduuban yihiin oo uu xidhay, haddii uu doonayo in loo siidaayana uu lacag soo diro, ka dibna odaygii dhalay aniga ayuu ila soo xidhiidhay waxaanu yidhi sababta u dhacday in iyagoo xidhan la sawiro, markii shan cisho xidhnaayeen waxay maxkamaddu ka codsaday in la keeno cadaymaha wixii lagu haysto, waxay dalbadeen in shan cisho loogu daro, mar kale ayey hadana shan cisho dalbadeen, ilaa markii dambe uu ula talaabay Itoobiya." Garyaqaanka oo ka hadlaya labaddan ganacsade waxay ka shaqayn jireen waxa uu yidhi "laba nin waa Sudani ah oo ka Ganacsato Xoolaha , kuwaas oo Somaliland sifo sharci ah ku joogay muddana ka dhoofin jiray Xolaha dekada Berbera. Isla markana Somaliland soo galin jiray cashuur aad u farobadan." Garyaqaan Mubaarak oo sharaxaya siday wax u dhaceen, waxa uu yidhi "Waxa dhacday in labada nin ee Ganacsatada ah ee Reer Sudan ay guriga ugu tageen Saraakiil laanta baadhista Danbiyada oo u la socdo ninka Ethiopian ah, Gudoomiyaha Jaahliyada Ethiopia ee Hargeysa Mr Cali oo uu la socday nin ganacsade soomaali ah, waxa la qabqabtay waana la katinadeeyey labadii nin ee Reer Sudan waxaana nasiib darro dhacday in uu ninkii Ethiopian ka ahaa uu gacan dhaafay askartii xidhaysay oo uu bilaabay gacan ka hadal iyo boob uu boobay hantidii guriga taalay ee labada maxbuus, waxa uu qaatay computer lap top ah, 2 saddex mobil oo iphone ah, saacad , Baasboorkii ninka la yidhaa Bashaar. Iyadoo ay ahayd in hawsha la wareegan Ciidanka hawl galkan waday lana ilaaliyo xaqa iyo xuquuqda eedaysaneyaasha oo ahaa niman marti u ah oo Somaliland calankeeda ku hoos jira." Waxaanu intaas ku daray "23./07/2016 Waxa la horgeeyey Maxkamadda Gobollka Hargeysa waxay eedaysaneyaashii waydiisay in uu lacag ku leeyey Mr Diina oo ah ninka Ethiopian ka ah. Waxay ku jawaabeen wax uu ninkaas nagu leeyey ma jirto, waxay maxkammaddii amartay in shan cisho lagu keeno cadayn uu ninka Ethiopian ka ah ku cadaysanaayo hantida ka maqan ee kaga maqan ganacsatada reer suudan arrintaas way jiitantay oo ila hada wax cadayn ah lama keenin ayey ula baxsadeen markii dambana Itoobiya" Dhanka kale, Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi. "Anigoo ah qareenka eedaysaneyaasha waxaa igu adkaatay in aan la kulno nimanka aan qareenka u ahaa, iyadoo ay waajib sharci tahay inaan la kulmmo goor kasta iyo goob kasta. Waxaa kaloo dhacday in sawiradii laga qaaday eedaysaneyaasha loo diray waalidkood oo la yidhii waa kuwaas caruurtiini haddii aad lacag madax furasho keeni waydan waan gawracayaa, iyadoo ninka Ethiopian ah uu isticmaalay awood aanu lahayn , Waxa kale oo Ninka Ethiopian u diray fariimo dhammaan dadkii macaamilku ka dhexeeyey ee ay Xoolaha u diri jireen isagoo ku leh nimaanka aniga ayaa haysta lacag ayaan ku leeyey haddii la I siin waayo Ethiopian ayaa u qaadanayaa oo dib loo arki maayo" Ugu dambeyn, Garyaqaan Mubaarig Maxamuud Cabdi (fallaag) ayaa sheegay inuu isku dayey inuu ragaasi aan loo gudbin dawlad kale, maadaama oo dalka dhexdiisa kiiskooddu ku jiro,waxaanu sheegay in Ninkaasi Itoobiyaanka ahi awood dheeraad ah u isticmaalay labadan nin ee Suudaaniga ah ka dibna uu si juujuub ah ula talaabay wadankiisa.

Hargeysa Online