Golaha Wakiilada oo cod Aqlabiyad ah ku Anxiyey Heshiiska Xukumadu la gashay DP WORLD.
Posted by xaaji on August 09 2016 23:19:35

Golaha wakiilada Somaliland ayaa saaka ansixiyay heshiiskii ay xukuumada Somaliland la gashay shirkada DPWorld ee ku saabsanaa maal gashiga dekada Berbera.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Golaha wakiilada Somaliland ayaa saaka ansixiyay heshiiskii ay xukuumada Somaliland la gashay shirkada DPWorld ee ku saabsanaa maal gashiga dekada Berbera.


Waaxaana saaka golaha fadhiyay 74 xildhibaan. Waxaa heshiiska ogolaaday in la ansixiyo 69 xildhibaan, waxaana diiday in la ansixiyo  4xildhibaan, gudoomiyuhuna muu codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay heshiiskii ay xukuumada Somaliland la gashay shirkada DPWorld.

Heshiiskan ayaa shalay ay doodiisu ka bilaabantay golaha kaasi oo maantana loo balansanaa in ay ka doodaan sideed xildhibaan oo shalay wakhtigu ka dhacay, balse sideedii xildhibaan ee maanta dooda ulahaa ayaa sheegay inayna ka doodayn heshiiska.

 

Hargeysa Online