Xasan Sheekh oo Saxiixay Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka .
Posted by abdi on August 14 2016 21:04:16

Xasan Sheekh oo Saxiixay Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka.


Extended News

Xasan Sheekh oo Saxiixay Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka.

 

 


Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Somalia. Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda saxiixa sharcigan ayaa sheegay in dhawrista xuquuqda aadanaha ay qayb ka tahay dhismaha dowlad wanaagga iyo in nabad iyo caddaalada lagu wada noolaado. "Saxiixa sharcigan wuxuu si cad uga Tarjumayaa Muhimadda aanu siinayno dhawrista Xuquuqaha Aasaasiga ah iyo Xorriyadaha qof walba oo Soomaaliya ku nool ay tahay inuu helo. guddigan madaxa-banaan ee xuquuqda Insaanka wuxuu noqonayaa xafiiska ugu sarreeya dalka ee u xil-saaran inuu sugo in xaqa muwaadiniinta si sax ah loo ilaaliyo, cid walbana lagula xisaabtamo iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo shuruucda kale ee inoo degsan,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale, Wuxuu Madaxweynaha Somalia hoosta-ka-xariiqay in Dowladda Federaalka Somalia ay ballanqaadeyso inay iskaashi iyo wadashaqeyn buuxda u fidin doonto Guddigan Madaxa Banaan ee Xuquuqda Aadanaha iyo sidii uu waajibaadkiisa u gudan lahaa. Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadley Siyaasadda dalka, isagoo ka warramay muhimadda in xisbiyo siyaasadeed la sameysto, khatarta Siyaasadaha qabiilka ku dhisan, Qoondada Haweenku ku leeyihiin Goleyaasha Siyaasadeed ee lasoo dhisayo doorashada Sanadkan 2016-ka iyo in la dhiirri-geliyo midnimada iyo dib u dhiska dalka.

Hargeysa Online