Al-shabaab oo isku khilaafay Sarkaal maalin ka hor looga dilay Duleedka Degemada Beledweyne.
Posted by abdi on August 14 2016 22:08:03

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xiisad colaadeed ka dhax oogan Tahay Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo ku kala sugan Deegaannada Luuq-Jeeloow.


Extended News

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xiisad colaadeed ka dhax oogan Tahay Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo ku kala sugan Deegaannada Luuq-Jeeloow iyo Buq-aqable ee Galbeedka Gobolka Hiiraan, kaddib markii Malleeshiyaad Taamacsan Dowladda federaalka Somalia ay dileen sarkaal ka tirsanaa. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab deegaanka Luuq-jeeloow ka kaxeysteen Tiro xoolo ah oo shacabkii lahaa ay ku eedeeyeen in ay isku hayb yihiin ama Taageero u fidiyeen maleeshiyaadkii dilay sarkaalkooda oo lagu magacaabi jiray Cabdi Aadan. Xoolahan. ayaa la sheegay in ay u kaxeysteen dhinaca deegaanka Buq-aqable, hasse ahaatee waxaa arintaa ka biyo--diiday isla xoogag kale oo ka tirsan Al-shabaab, taasoo keentay in labada dhinac uu soo kala dhax-galo kala shaki iyo wax u eg xiisad dagaal, sidda ay warbaahinta u sheegeen dad rayid ah oo ku sugan deegaannada ay maamulaan Al-shabab. Sarkaalka iyo xubo kale oo lala dilay ayaa lagu eedeeyay in ay ka dalbeeyeen gowraca nabadoon lagu magacaabi jira Cali Santuur, waana tan keentay in maleeshiyaadka Nabaddoonka ku haybta ahaa ay si gaar ah u beegsadaan xubnahan tirsanaa Al-shabaab ee la dilay. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhinacyada Al-shabaab ee deegaanadaas isaga soo horjeeda u abaabulan yihiin hab qabiil. Maamulka gobolka Hiiraan, ayaa sheegay dhinacooda in maleeshiyaadka weerarka ka geystay deegaanka Luuq-jeeloow iyo ciidammada dowladda iska war hayeen, isla markaana gacan ku siiyeen inay ku guuleystaan Hawl-galkooda. Ugu danbeyntii, inkastoo ciidammada dowladda ay maamulaan inta badan degmooyinka iyo deegaannada gobolka Hiiraan, haddana Al-shabaab waxaa ay wali gacanta ku hayaan koontaroolka deegaano cayiman ballse la oran karo waa kuwo muhiim u ah isku socodka

.

Hargeysa Online