Mo Faarax oo ku guuleystay ciyaaraha orodka ee 10ka kun ee mitir.
Posted by abdi on August 14 2016 22:45:52

Ciyaaryahanka kasoo jeeda Soomaaliya ee Mo Faarax ayaa ku guuleystay orodka 10ka kun ee olombikada ee Rio ee dalkaasi Brazil.


Extended News

Ciyaaryahanka kasoo jeeda Soomaaliya ee Mo Faarax ayaa ku guuleystay orodka 10ka kun ee olombikada ee Rio ee dalkaasi Brazil.


Mo ama Maxamed Faarah ayaa u orda dalka Ingiriiska wuxuuna usoo hooyay billad dahab ah. Waxaa la yaab leh inuu mar intii ciyaartaasi socotay ah uu kufay balse uu kacay oo uu billadda dahabka ah qaatay.

Wareegii ugu dambeeyay ayuu hoggaanka u qabtay asagoo ka hor maray afar orodyahan oo kale oo ka horreeyay.

Inkastoo xawligiisu uu isdhimay markii hore kufitaanka kadib wareggii ugu dambeeyay ayuu karaar fiican qaatay oo uu sidaa u noqday qofka ugu horeeyay ee yimid mardinka dhammaadka cayaarta sidaa oo uu ku qaatay billadda dahabiga ah.

Mo Faarax wuxuu difaacday rikoorkiisa 10ka kun.  Dabayaaqada asbuucaan waxaa la filayaa inuu ordi doono orodka 5ta kun.

Hargeysa Online