Madaxweynaha Somalia iyo Xoghayaha Guud ee IGAD oo Maanta kulan ku yeeshay Xamar.
Posted by ifraax on August 19 2016 21:31:31

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Somalia kulan kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayo Xoghayaha Guud ee IGAD.


Extended News

 

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Somalia kulan kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayo Xoghayaha Guud ee IGAD, Inj. Maxbuub Macallin.Kulankaan, ayaa waxaa looga hadlay qaban-qaabada shir-madaxeedka IGAD ee bisha soo socota lagu qaban doono Muqdisho, arrimaha siyaasadda, tan amniga, dhismaha maamulka Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan iyo kuwo kale.Sidoo kale, kulanka ayaa waxay labada dhinac kusoo qaadeen mashaariicda kaabeyaasha Dhaqaalaha ee Hay'adaha Caalamiga ah iyo IGAD ka fulinayaan Soomaaliya iyo iskaashiga arrimaha horumarinta ee labada dhinac. Madaxweyne Xasan ayaa wafdiga uga warbixiyey xaaladda wadanka, diyaar-garowga shirka IGAD, horumarka dhinaca Siyaasadda iyo ammaanka ee lagu Tallaabsaday iyo Qaban-qaabada Doorashada Sannadkan 2016-ka ka dhacaysa Soomaaliya.Ugu dambeyn, Labada dhinac ayaa isku Af-gartay Dhammaan Qodobbadii ay ka wadahadleen, iyadoo Xoghayaha Guud ee Ururka IGAD, Maxbuub Macallin uu sheegay in Ururka IGAD uu si buuxda uga taageereyso Soomaaliya Barnaamijyada muhiimka u ah xilliga kala-guurka.

Hargeysa Online