Trump oo booqanaya Minnesota si uu u kasbado kalsoonida Soomaalida.
Posted by ifraax on August 19 2016 21:39:28

Kadib in badan oo uu caro galiyay Donald Trump Soomaalida Mareykanka asagoo weeraro afka ah ku qaaday ayaa maanta wuxuu Trump.


Extended News

 

Kadib in badan oo uu caro galiyay Donald Trump Soomaalida Mareykanka asagoo weeraro afka ah ku qaaday ayaa maanta wuxuu Trump booqanayaa gobolka Soomaalidu u badan tahay Mareykanka ee Minnesota si uu kalsoonidoodii uu lumiyay uu mar un dib ugu soo helo! Si kastaba waxaa la sheegay in haatan uu u yimid Minnesota in uu ka qeyb qaato lacago la uruurinaayo oo tabarucaad ah iyada oo arinka ah inuu dib kalsoonii Soomaalida ee uu lumiyay uu usoo kasbado ayana la hadal hayo inay jirto. Hase ahaatee, weli lama shaacin halka ay lacag uruurintaasi ka dhici doonto iyo weli saacada ay furmeyso. Kasokow weerarada uu ku qaado Soomaalida waxaa looga bartay Trump inuu Muslimiinta oo dhan weeraro. Soomaalida ayuu ku tilmaamay inay ka yimaadaan meel ka mid ah meelaha caalamka u khatar badan. Wuxuu halkaa ula jeedaa SOOMAALIYA. Wuxuu kaloo aad iyo aad u weeraraa dadyowga kale sida Hispanic-ga iyadoo hadaladiisu ayba si un u qallafsan yihiin in badan.

Hargeysa Online