Booliiska Puntland oo lagu Wareejiyay Gaadiid loogu Talo-galay Xoojinta Ammaanka.
Posted by ifraax on August 20 2016 21:40:47

Maamulka Puntland ayaa maanta la gudoonsiiyay 40-gaari oo kuwa booliiska ah, waxaana gaadiidkan ku deeqday Hay’adda SSF, waxaana maamulka Puntland.


Extended News

 

Maamulka Puntland ayaa maanta la gudoonsiiyay 40-gaari oo kuwa booliiska ah, waxaana gaadiidkan ku deeqday Hay’adda SSF, waxaana maamulka Puntland gaadiidka guddoonsiisay Hay’adda DDG. Gaadiidkaan, ayaa loogu Deeqay Afar Degmo oo kala ah; Xarfo, Godob-jiiraan, Dan-gorayo iyo Isku-shuban – Waxaana loogu talo galay in looga Shaqeeyo Arrimaha nabad-gelyada ee deegaanadaasi. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar Cameey oo hadlay kaddib markii uu la wareegay gaadiidkan, ayaa sheegay in si wanaagsan ay ugu shaqeyn doonaan shacabka Puntland si ammaanka loo adkeeyo. Sidoo kale, Cameey ayaa xusay in gaadiidkan ay qayb weyn ka qaadan doonaan dadaalka ay Puntland ugu jiro sidii loo sugi lahaa Ammaanka guud ee Magaalooyinka Puntland, isla markaana ay meesha ka saari doonto baahidii ay Degmooyinkaas u qabeen soo qabashada dambiilayaasha. Ugu dambayn, Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa gaadiidkaan ku wareejiyay taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Puntland, Jaamac Saxar-diid si taliyeyaasha Qaybaha Degmooyinka loogu deeqay gaadiidkan uu ugu sii wareejiyo.

Hargeysa Online