Fahanka qaaciidada “We & Them” iyo saamaynteedaba.
Posted by abdi on August 21 2016 11:00:16

Aduunka waxay reer galbeedku ku fasiraan “We,& Them” Inaga iyo iyaga oo macnaheedu tahay “We (Western countries)Aduunka koowaad.


Extended News

Aduunka waxay reer galbeedku ku fasiraan “We,& Them” Inaga iyo iyaga oo macnaheedu tahay “We (Western countries)Aduunka koowaad, iyo Them( The third world Countries) Aduunka sadexaad, waxaanay isbidaan inay ka awood badan yihiin aduunka intiisa kale waxaaana sabab u ah horumarka dhaqaale,cilmi, siyaasad iyo bulsho ee ay gaadheen 150 sanno ee udanbeeyay waxay kor u qaadeen dhaqaalaha shakhsi walba soo gala waxaanay gaadheen in ay abuuraan fikrado sarsare oo ay ku baadigoobaan goobaha dhaqaale ee aduunkan ku xeeran Hadii aan caqligayga ku cabiro qiimayntan reer galbeedku iskood isku caleemo saareen , ugu horayn masaladan ay media ku baahiyaan ee ah Western & Third world waa masalo ku dhisan qaaciido aan dheelitir saxa lahayn waxay soo bilaabantay taariikh hore oo saamaynta ugu badan ay lahaayeen dawladaha islaamku , Taariikhdii islaamku waxay isbadaladii ugu waaweynaa gaadheen xiligii nabi Maxamed csw soo bixitaankiisii maamulkiisa iyo maamulkii asxaabtiisa sidoo kale maamulkii taabiciyiin waxay 70 sano ee islaamka ugu horaysay taariikhdaasi kor usii socotay ilaa ay gaadhay ilaa heer isbahaystaan aduunka intiisa kale ayna bilaabantay (Crusades) dagaalkii diimaha oo ah in dawladihii islaamka dib loo weeraro ilaa 2 qarni in ku dhaw ayay taasi socotay dawladii islaamku waxay dib isbadal uga dhacay qarnigii 20aad oo ay dhamaatay xadhigii isku hayay dawladaha islaamka , arintaa waxaa dhashay 1924 kii in la kala diray dawladii islaamka Sababaha keenay burburkii dawladihii islaamka waxay salka ku hayeen sida ay cilmi baadhayaashu ku sheegaan in aduunka uu ka bilaabmay isbadalada siyaasi ah oo salka ku hayay horumarka aqoonta 1- waxaa muuqday dib udhac uu ku jiro caalamka islaamigii marka la eego horumarka maadiga ah ee dawladaha kale sameeyay sida dawladihii yurub oo laga sameeyay horumar nolosha iyo cilmiga maadiga ahba siiba cilmiga technology-ga ayaa soo ifbaxay way xoogaysteen muslimiintana waxaa muuqatay cawradoodii oo ah qarniyo inay hurdeen horumarkii biniaadanka ee ay hogaamin jireena inay ka luntay oo ay xaga aqoonta dunida taal ay ka noqdeen caydh 2- in caalamu islaami intiisii ugu badnayd uu hoos galay isla waynidii reer galbeedka ama isticmaarkii reer yurub uu ku gumaystay dawladihii islaamka,Africa iyo asia ba 3- in dawladihii islaamka lakala googooyay gobolo yaryarna loo kala dhigay waxaa jiray nin la yidhaahdo henry campell oo ahaa raisal wasaarihii England 1907 qoraal uu qoray ayuu wuxuu tallo bixin ku weydiistay aqoonyahanadii dhamaan dawladaha france iyo yurub inteeda kale hadii calanka ingiriis ee meelkasta ka taagan xadaaradaasi dunto muxuu yeeli doono ? Waxaana taladaas ka dhalatay in Dunida sadex qaybood u kala saaro Dunida reer galbeed iyo ninka cad sida uu ula dhaqmayo Xadaarada cilmiga laga dhigo qori isku dhiib oo inta isku dan yihiin uu ukala dhiibo sida USA,France,germany A)Dadkan la yidhaahdo yellow people indha yarta iyo asia malaha garaad sare oo laloolami kara kan reer galbeed markaa waa in macaamil wanaagsan oo heshiisyo ah halagula dhaqmo. B) Qaybta cagaaran caalamka islaami in aqoonta laga ilaaliyo siiba technology Dadka la tiro badan yahay (Minorityga) ku hoosnool in kor loosoo qaado khilaafaadka xuduudka ah in la badiyo waxa xuduud la isku haysto ingiriis ayaa dhigay Dawladaha aduunka 3aad loogu yeedho ku nool waxaa ka bilaabmay 1- gobonimo doon in la wada bilaabo Xoriyad 2- in aqoon la dhiso 3-midnimo in ay dib u abuuraan Dawlada (Yellow people) ay ugu yeedhaan oo qariirad ahaan ku jira wadamadda aduunka sedexaad sida india iyo china ,indonisia malasia waxay xiligaas bilaabeen halgankii la jaanqaadka isbadalada siyaasi iyo horumar bini-aadanka iyo dhaqaaleba iyagoo kor uqaadaya aqoontooda iyo meelaha ay rabaan inay ka koraan Mabaadiida magacan aduunka 3aad waa yeedhmo ku dhisan cilmi nafsi oo bahdilaysa garaadka ubadka ku nool inta ay ugu yeedhaan aduunka 3aad waxaanay saamayn ku yeelanaysaa kartidiisa iyo akhlaaqiyaadkiisa ama fahanka in isbadal la samayn karo marxalad kasta oo lagu jiro qaaciidadan aduunka 3aad marka darafkale laga eego waxay odhanaysaa Aduunka koowaad (Western countries) waxay ka kooban yihiin qoysas kooban oo tiradoodu yartahay laakiin leh nolol caafimaad badan waqti dheer jiri karta, qolada kale ee loogu yeedho Aduunka sadexaad (Third world) waxay ka kooban yihiin qoysas badan oo tiradoodu badan tahay laakiin noloshoodu tayadeedu hoosayso xaga caafimaadka, dhaqaalaha , cunnada’ba Hadii aan udhaadhaco qoraalkaygan doodiisa sharaxaysa macnaha Aduunka koowaad iyo qaabka ay u dhisan yihiin waa sidatann :- Dunnida reer galbeedku (Western countries) wa eray macno ahaan lagu tilmaamo waddamo badan oo isu tagay sida UK, USA,EU,Canada,Australia,New Zealand, iyo wadammo kale oo xadaarad ahaan iyo dhaqaale ahaanba isku dano noqday waxay wadaagaan ilbaxnimo guun ah iyo deegaamo isku dhawdhaw , taariikhyanaddu waxay ku doodaan in ilbaxnimaddaa reer galbeedka uu ka dhashay ka dib markii ay burburtay Roman Western empire waxaana lagu sheegaa waxay xoog isula qabsadaan kacdoonadii dhaqaale ee aduunka ka dhacay waxay awooda saareen si ay horumar u gaadhaan horumarka dhaqan bulshada, korinta curinta , tayada aqoonta, siyaasada, iyo ku dhaqanka caadooyinka diintooda Christian-ka waxay kobciyeen oo ururiyeen warbixinta cilmiyaysan ee bulshadooda si ay uga gudbaan caqabadaha hortaagan waxay markasta dhaqan galin jireen mabaadiida khuburadda cilmigu soo saaraan waxay soo saareen in ay xakameeyaan tirada badan ee dadka aduunka ku nool oo sii kordhaysa iyadoo ay ka cabsi qabaan in aduunka dhaqaalihiisu aanu ku filnaan doonin hadii dadku xoog usii tafiirmaan , Fikiradda biniaadanku abuureen ayaa waxay ka horyimaadeen xikmaddii ilaahay u abuuray aduunkan waana sababta keentay in masaladii ay aaminsanaayeen in ay dib uga noqdaan waxaa si xoog u ah usoo kordhay awoodihii wadamadda ay ugu yeedhaan dunida sedexaad oo ay ka mid yihiin China iyo india , indonisea . Doodaydu waxay u janjeedha isbadelka xoogan ee dunidan sedexaad ku dhaqaaqday kana hor imid mabaadiidii ay reer galbeedku aduunkan ku haysteen.

La soco qaybta 2aad

 

Refrence : qoraaladayda waxaan ku dhisay hadalo aan ka faaiday Muxaadiro Sh Mustafe Ilaahay raali haka noqdee magaceeduna tahay (Danaha islaamka gaar ahaan ta soomaliya) Qalinkii : Ahmedyasin sheikh Cumar Ahmed Furre