Shalay iyo maanta isu ekaa "waa halkii Carabtee maa ashbaha alayl bil baarixa.
Posted by abdi on August 21 2016 11:05:01

Maqaalkan waxa aan kaga faaloon doonaa Dooradhada Somaliland  Ee La saadalinayo Sannada 2017  omaliland Election April 2017.


Extended News

Asalamu Calaykum  Hordhac: Maqaalkan waxa aan kaga faaloon doonaa Dooradhada Somaliland  Ee La saadalinayo Sannada 2017 ( Somaliland Election April 2017)Waayo aragnimada, Doorashada madaxtinimo ee Somaliland Kama duwanaan doonto doorashooyinkii hore Ee Dalka.Xisbiyada Qaran Ee Jamahuuriyada Somaliland waa Saddex, sida uu dhigayo Dasturka Wadanku. Sadexda Xisbi Qaran Tartan Ururo bay Xisbiyo Qaran ku noqdeen, Markay ku gulaysteen Saddexda kalmood Ee Hore.Wakhti Xadirkan Saddexda Xisbi Qaran Ee Wadanku waa 1) Kulmiye, Xisbi Xaakim 2) Wadani, Xisbi Mucaarid ah 3) Ucid,  Xisbi Mucarid ah oo  ugu da’wayn xisbiyada ama ku Gaboobay mucaridnimada .Haddaba Tixraaca Tartamadii Xiligii Doorashada Madaxtinimo ee hore ,  Laba Xisbi oo Kaliya Ayaa Midna Hela, midna Ku so dhawada Xaga Dhibacha Tartanka ama Codbixiyasha. Dhanka kale Xisbiga sadexaad dhibacaha uu hela ay ka yaraato 20%.Anniga Fikirkyga  iyo Aqoonayano badan oo siyaasada Lafaguraa waxay qabaan Xisbi Xaakimka Kulmiye iyo Xisbiga Mucaridka ah ee Wadani inuu loolankasi dhex mari doono, Natiijadooduna ay noqon doonto  saadalinta qiyaasta faraqa u dhaxayn doona uu ahan karo  15%.Dhanka kale Xusbiga Saddexd waxa logu talo galay inu Miisamo Tartanka oo marnba aanu gulaysane. Ee kaliya uu idhahdo marka Doorashadu qabsonto, Waanu Aqblnay doorshada Xisbigasana Guulaystay, Natiijadiisuna ay ahaato 19% boqolkiiba, kuna qanco, hankiisuna ahaado.Waxaan halkan bal isku Aragti dhafsanayna. Xisbiga Sadexaad Maxa ugu wacan Marka tartanka Inuu dhibacaha uu hela ka yarato 20% Boqaolkiba , Hankiisuna  ahaado Mid Afka uun laga leeyahy waanu tartanay , waa Su’aasha jawaabteeda dhankaga Fiiri oo tixraac?
intaasna ku soo gaba gabaynaya qormadan, Waad ku mahadsantihiin daalacashada Pagekan. Taarikhda qormadan Monday, March 7, 2016.

"Wa-Alaikum-Salaam""Wabillahi Taufiq''Author : Guleid Abdi Brasab D-BBA In Mgt And C.Urban MgtPosted by Guleid Abdi Guleid (Guleid Brasab)