Hoobiyeyaal lagu Weeraray Wasaarada Gaadiidka ee Xukuumadda Muqdisho.
Posted by ifraax on August 21 2016 22:50:16

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa lagu weeraray xarunta Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.


Extended News

 

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa lagu weeraray xarunta Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku Taalla Degmada Shingaani ee Muqdisho, waxaana madaafiicdani ay sababeen khasaare aan illaa hadda la ogeyn cadadkiisa. Wararka ayaa sheegaya in madaafiicdan ay gudaha ugu dhaceen xarunta, waxaana sidoo kale la sheegay in garaash daris la ah xarunta wasaarada ay ku dhaceen qaar ka mid ah madaafiicda ayna baabuur yaallay burburiyeen. Duqeynta kaddib, ayaa waxaa Xarunta Wasaaraddaas gaaray Gaadiidka Gurmadka deg-dgga ah oo ka qaadayay dhaawacyada iyo dhimashada ka dhalatay, inkastoo aan weli la ogeyn tirada dadka ay kasoo khasaaruhu gaartay duqeymahan. Sidoo kale, Shacabka ku dhaqan Degmada Shingaani ayaa sheegaya in madaafiicdaan ay soo dhaceen Gellinkii dambe ee maanta, balse illaa hadda lama oga cida ka dambeysay duqeyntan.

Hargeysa Online