Geeluna tawaawaca kolka biyaha loo tubo ways tibaax yaqaanaa .
Posted by abdi on August 24 2016 22:41:01

Bulshadeena bari ilaa galbeed (Saylac ilaa Lascaanod) yar iyo wayn hadafka nololeed ee horumarka aqoonta iyo isku filnaanshiyaha shakhsiga ah.


Extended News

Bulshadeena bari ilaa galbeed (Saylac ilaa Lascaanod) yar iyo wayn hadafka nololeed ee horumarka aqoonta iyo isku filnaanshiyaha shakhsiga ah ee maal iyo caqliba leh way ka simanyihiin quluubtoodana waxaa ka buuxda ididiilo nololeed iyo saadaal mustaqbal wanaagsan, waxay maalintii is weydaarsadaan suaalo iyo jawaabo xidhiidh la leh sidii shaqo ay ku heli lahaayeen , waa iftiin bidhaantiisuna bilaw wanaagsan umuuqata waxay hayaan wado macaan iyo qadhaadh ba wada leh oo murugo isu badali karta hadaan xaqiiqda lagu dhiqin .

bulshada noocan ahi waxaa ay leedahay hogaan gadhwadeen ka ah talada iyo masiirkoodaba oo isugu jira odayaal iyo siyaasiyiin balse aan ku guulaysan inay u adeegaan shacabkan u boholyoobay inay gaadhaan hadaf sare oo dhaxalsiiyaa guulo waaweyn.

Hogaanka maanta aduunkan saamaynta ku leh waxaa lagu qiimeeyaa mabaadiida uu aaminsan yahay ee uu rabo inuu wax ku maamulo sidoo kale isbadalka siyaasiga ah ee shakhsi ee aan qiimayn wanaagsan ku fadhiyin wax saamayna kuma laha inuu biniaadanka waxka badalo.

ummadu waa in ay qiimaysaa kuna sar goysaa baahiyaha horyaala ee xanuunka badan ee u baahan in laga gudba cidii ku haboon ee dawadeeda ka dhex aragno hogaanka aynu rabnaa waa in uu leeyahay hiigsi sare sidoo kale qaabayn kara mustaqbalka soo socda sidoo kale uu leeyahay fikiro wanaagsan oo hogaamineed ha ahaadaan hogaamiyayaal dhaqanka ama siyaasiga ahba.

Dhaqanka bulshadeena waxaa raad wayn ku reebay noloshii miyiga oo xirfadihii ay lahaayeen tii magaalada xal uga noqon wayday dadka intooda badanina la jaanqaadi kari waayay isbadalka dhaqan iyo dhaqaale bulsho ee noloshoodii saamaynta ku yeelatay , waxaan si cilmiyaysan ukala hufi doonaa magaalooyinka waaweyn ee deeganada Somaliland oo dhan anigoo ka bilaabi doona dhinaca galbeedka gaar ahaan magaalada saylac

Marxaladaha nololeed ee dhalinta ku nool Gobollada somaliland

Saylac

Saylac waa magaaloxeebeed taariikhi ah oo ku taal selel ee somaliland . .Magaalada Seylac oo ah mid qadiimi ah oo aad u taariikh dheer ayaa wakhti xaadirkan magaalo-madax u ah gobolka Selel oo ah gobol cusub ooy magacaabtey dowlada Somaliland . Seylac waxaa loo aqoonsan yahay ineey jirtey tan iyo wakhti ka horeeysay soo bixitaanka diinta Islaamka , midaasi oo ah goobaha ugu taariikhda dheer qaarada Afrika tiro ahaan dadka ku nooli waa ilaa 8600-9000 qof

Deegaanka magaalada Seylac waxaa uu leeyahay caro bataax coowlaan ah, taasi oo ka dhigtey magaalada lama-degaan Waxayna dhinaca u saaran tahay Banka Giriyaad gobolka Selel. Intaas waxaa dheer, in Seylac agagaarkeeda ku yaalaan ilaa dhowr-iyo-toban gasiiradood oo yaryar, kuwaas ooy ka mid tahay Gasiirada Saacadiin ee loogu magaca daray suldaan Saacadiin oo ka mid ahaa madaxdii boqortooyada Adal. Wado xumo iyo biyo yaraan ayaa magaalada Seylac ku haya dhibaato weyn.

Kartida bulshadaa halkaa ku nooli waxay la siman yihiin kuwa dhamaan gobollada Somaliland daga oo dhan faaidada biniaadan ee horumarka gaadhsiiyay aduunkuna isku muquuniyay ayaa habayaraatee aanay ka jirin nolol dadaal badan oo saamayn ku yeelata waxsoo saarka gobolka , haldoorka deegaankuna waa odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta gobolku waa ay dawayn kari waayaan marxaladahaas maalinlaha ah ee saamaysa kartidii biniaadanka , dhalinyartu waxay safsaf u fadhiistaan kolba maqaaxi ama ku qayilaan ama ay ku sheekaystaan , heerka waxbarasho waa mid waxtar u lahayn bulshada xalka noloshana aanu ahayn dawadii keeni lahayd maslaxada dhibaatooyinka taagan isku soo duuduubo marxalada gobolku waxay u baahantahay in dib loo eego oo aqoonyahanku uu cilmi baadhid dhinacyo badan leh oo baadigooba dhibaatooyinka dhabta ah ee hortaagan horumarka iyo tayada aqoonta

Boorama

Borame waa magaalo madaxda gobolka Awdal ee somaliland, Boorama waxay u dhowdahay xadka Itoobiya iyo Jabuuti, Magaaladan waxaa degan dad gaaraayo in ka badan 200,000 oo qof. Boorama, Deegaanka magaaladu waxay ku taalaa dhul sare oo buuroleey ah, midaasi oo ka dhigta qaboow wakhtiga jiilaalka. Magaalada Boorama waa saldhiga waxbarashada dalka Somaliland, waxaa ku yaala dugsiyo, koolejyo iyo jaamacado badan; midaasi oo sababtay in Boorama loo bixiyo " hooyga waxbarashada shacabka Soomaaliyeed ". Borama waxa ku yaala Jaamacada ugu da’da wayn waqtigan dalka Somaliland waana Jaamacadda Camuud. Guud ahaan magaalada Borama waa mid jawi degan oo nabad iyo aqoon lagu yaqaano.

Hadaba suaashu waxay ka taagan waxbarashada maadiga ah ee gobolka ka jirtaa saamaynta ay ku yeelato deegaanka ?

Waxbarashadani waxay ididiilo galisay dhalinyartii oo runtii garaadkoodiina kor u qaaday inay raadiyaan nolol oo bulshadii waxay ka bogsatay dhibtii iyo fawdadii balse awooda noocan ah hadii aan laga faaidaysan waxay isku badali doonta waji kale oo carqalad galin kara xasiloonida gobolka oo dhan

Waxbarashadii curinta afkaarta wax ku oolka ah in lagu tayeeyo lana raadiyo aqoonta deegaanka waxtar u yeelan karta ?

In ay dawladu la timaado nidaam taageeraya isbadal waxbarashada nuqulada u badan ka dhigta xirfadlay ? iyo barnaamij taageeraya horumarka maalgashiyada dalka gudihiisa

In aqoonyahanku aanu daawan marxaladdan adage e bulshadeena hortaagan dhaliisha badana loo badalo kukacaay ama waxqabad?

Gabiley

Gabiley waxay 54 km jirtaa ka Galbeed Hargeysa , caasimada Somaliland , Gabiley qiyaastii waxaa ku nool dad gaaraya ilaa 135,430 qof dadka deegaanka ku nooli waxay u badan yihiin beeralay waana dhul hodan ku ah dhinaca beeraha gobolkani dad ahaan waa deegaamada ugu dadka badan intooda badani waa dhalinyaro waxay haystaan fursad wanaagsan oo lagu abuuri karo nolol qani ah, magaalada gabilay waa magaalada aan anigu ku dhashay deegaan ahaana u dhashay, dhalinyartii iyo aqoonyahankii kasoo jeeday degaankani waxay intooda badani yihiin aqoonyahan heer jaamacadeed dhamaystay laakiin aan habayaraatee waxba ku celin deegaankoodii ,gobolkan wax mashaariic ahi kama jiraan qorshayaasha dawladuna may keenin qaab looga faaideysto dadkan iyo deegaanka hodanka ahba .

Deegaanka gabilay waxaad wadooyinka ku dhaafaysaa dhalintii oo garanla meel ala meel ay ka bilaabaan xirfada ugu saraysaa waa ganacsi, tukaamo yaryar, kolay qaad iyo macalin school , waxaan dareengalinayaa dhamaan inta udhalatay inay dib isku abaabulaan iskuna qaybiyaan baahiyaha gobolka ka jira

Sadex qodob hadii aan u kala dhigo:

Odayaasha iyo siyaasigaba waxaan usoo jeedin lahaa in ay meesha ka saaraan mashruucyada biniaadanka lagu kala jajabinayo oo sii halaynaya wadajirka iyo waxqabsiga inta meel wada dagta ee dhibtana wadaagta.

Aqoonyahan dariiqa hore ee fashilmay sii raad guraya ee waqtigoodii iyo garaadkii cusbaa ka dhigay kuwo fadhiid ah oo aan waxba qaban Karin waxaa haboon inaynu is baraarujino kana qayb qaadano wajiyo cusub oo abuuraya nolol rajo badan leh

Culumada inay doorka ugu muhiimsan ee masaalixa iyo maamul wanaagaba ka qayb noqdaan maamulada jirana aanay ukala qaybsamin ee ku saxaan dariiqa toosan ee diinteenu ina farayso

Maqaalkani waxaan ku iftiimin doonaa warbixino iyo waraysiyo aan si cilmiyaysan ula wadaagi doono dhamaan odayaasha dhaqanka,siyaasiyiinta,aqoonyahanka si aynu u helno mawjad jawi wanaagsan isugu xidha baahiyaha dhamaan goboladda Somaliland oo dhan

La soco: qaybta 2aad

Qalinkii: Ahmedyasin sh cumar Sh ahmed furre