Banaanbax looga soo Horjeedo Booliska Canada oo lagu wado in ay ka dhacaan dhowr magaalo.
Posted by abdi on August 24 2016 22:47:58

Hal bil ayaa laga joogaa markii uu geeriyooday Cabduraxmaan Cabdi oo dilkiisa lagu eedeeyay booliska Canada.


Extended News

Hal bil ayaa laga joogaa markii uu geeriyooday Cabduraxmaan Cabdi oo dilkiisa lagu eedeeyay booliska Canada ,waxaana la qorshaynayaa dibad-baxyo hor leh oo arintan looga soo horjeedo in ay ka dhacaan magaalooyin ka tirsan dalkaas.

Dhaqdhaqaaq-qa u dooda dadka Madowga ah ee Black lives Matter iyo urarrada kale ee lamidka ah ayaa dibad-baxyadan diyaarinaya ,waxaana  lagu qaban doonaa  lix magaalo oo ku yaala Canada oo  ay ku jiraan Ottowa ,Hamilton Kitchener, Winnipeg, iyo waliba  Edmonton.

Dibad-baxa ka dhici doona magaalada Ottowa ayaa lagu wadaa in  dadweyne fara badan ay isugu yimaadaan jidka Elgin ee ka soo hor-jeed-da xarunta weyn ee boolisku ay ku leeyihiin magaalada Ottowa.

Qaban-qaabiyayaasha munaasabad-dan ayaa sheegay in mas’uuliyadda dilka C/rixmaan ay qaadi doonaan dadkii ku lug lahaa ,waxaana ay dalbadeen in Dave Weir iyo Daniel Montison oo loo haysto in ay iyagu fuliyeen dilkan cadaalladda la mariyo.

C/rixmaan Cabdi oo 37-sano jira ahaa ayaa geeriyooday maalin isniin ah 25 bishii la soo dhaafay ka dib markii askar ka tirsan booliska Canada ay xireen ,waxaana qoyskiisa ay sheegeen in 45- daqiiqo ka hor loo soo sheegay geeridiisa ka hor intii aan cisbitaalka la dhigin.

Ugu danbayn booliska Canada ayaa iska fogeeyay eedayntan waxaana ay sheegeen in Cabdi la soo xiray xilli uu rabshad ka abuurayay mehrad ku taala wadada Wellington ee Ottowa , waxaana hadalka booliska shaki la galiyay ka dib markii baraha bulshada la soo dhigay Cabdi oo aad u dhiig baxaya ,iyada oo ay gacmaha ka xireen labo ka tirsan booliska magaaladas.

Hargeysa Online