Al-shabaab iyo ciidamada DF Somalia oo ku dagaalamay qobolka Bakool .
Posted by abdi on August 24 2016 23:02:08

Ugu yaraan 18-qof ayaa ku geeriyooday dagaallo labadii casho ee lasoo dhaafay ka socday deegaanno ka tirsan gbolka Bakool.


Extended News

Ugu yaraan 18-qof ayaa ku geeriyooday dagaallo labadii casho ee lasoo dhaafay ka socday deegaanno ka tirsan gbolka Bakool, kuwaasoo u dhexeeya ciidanka dowladda Somalia iyo qaar ka mid ah xoogagga Al-Shabaab. Dagaaladan ayaa ka dhacay deegaanka Moora-gaabey oo ku dhaw Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, iyadoo khasaaraha uu u badnaa labadii dhinac ee dagaalku u dhexeeyay. Guddoomiyaha Degmada Xudur, Maxamed Macallin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Somalia ay ka dhimatay sideed Askari, halka uu sheegay inay Al-shabaab ka dileen 10 dagaalyahan, hubna ay kaga furteen dagaalka. Sidoo kale, Wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda ay wadaan Hawl-gallo la isugu furayo Deegaannada gobolka Bakool, isla markaana ay Al-shabaab ka saarayaan deegaannada ay ku sugan yihiin. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Xudur ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Somalia iyo maamulka Koofur-galbeed inay ku gacan siiyaan Dagaalka ay ku jiraan oo ay ku Xoreynayaan Deegaannada Gobolka. -

Hargeysa Online