Muran adag oo kaTaagan Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada Somalia.
Posted by abdi on August 27 2016 23:00:01

Waxaa muran xooggan ka tagan yahay Dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka Soomaliya, xilli ay la isku dayayo in la dhimo tirada ergooyinka.


Extended News

Waxaa muran xooggan ka tagan yahay Dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka Soomaliya, xilli ay la isku dayayo in la dhimo tirada ergooyinka soo xuleysa xildhibaannada baarlamaannada soo socda ee Soomaaliya. Maalmahaan ayaa waxay kulammo is-daba-joog ah u socdeen Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Somalia, xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo Deeq-bixiyeyaasha iyagoo ka hadlayay kharashaadka doorashooyinka ku baxaya. Qodobbada la isku hayo ayaa waxaa ka mid ah qaabka dhaqaalaha loo maamulayo, iyadoo Beesha Caalamka ay dalbanayaan in la caddeeyo dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka Dadban ee sannadkan dhacaya. Sidoo kale, wuxuu muran adag ka taagan yahay xareynta 14025 ergay iyo dhaqaalaha ku baxaya, waxaa la isku hayaa cidda bixinaysa dhaqaalaha ku baxaya sidii loo xareyn lahaa ergada. Madaxweynaha iyo RW Soomaaliya ayaa maalmo ka hor la kulmay Madaxa hay’adda UNDP, Helen Clark oo booqasho ku timid Muqdisho, waxayna ka wada-hadleen arrimaha Doorashooyinka iyo Dhaqaalaha ku baxaya. Ergeyga QM u Qaabilsan Soomaaliya, Danjire Keatin ayaa sidoo kale la kulmay madaxda Dowladda FS iyo Guddiga Hir-gelinta Doorashooyinka Heer Federaal, kuwaas oo uu kala hadlay Qorshayaasha Doorashooyinka iyo dhaqaalaha ku baxaya. Ugu dambeyntii, Kulammadii Madasha ee u dambeeyay ayay Xubnaha Beesha Caalamka kusoo bandhigeen in maamul-goboleedyada iyo Dowladda FS ay bixiyaan qayb ka mid ah dhaqaalaha ku baxaya Doorashooyinka.

Hargeysa Online