Xisbiga Waddani oo Baabuur ugu deeqay Degmada Cusub ee Gunburaha.
Posted by abdi on August 27 2016 23:11:13

Xisbiga Waddani oo uu u hadlaayey gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi Axmed Muumin Seed waxaa uu madasha ka shaaciyey gaadhi Cusub.


Extended News

Wafti baladhan oo uu hogaaminaayo gudoomiye ku xigeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed ayaa waxaa ay saaka ka qeyb galeen munaasibad loogu wan qaalaayey degmada Cusub ee Gunburaha oo ku taala jidka u dhaxeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Baligubadle .


Munaasibadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuulyiin badan waxaana halkaasi xisbi walba iyo qof kasta oo masuul ahi kaga dhawaaqaayey qaadhanka uu kaga qeyb qaadanaayo degmadan Cusub

Xisbiga Waddani oo uu u hadlaayey gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi Axmed Muumin Seed waxaa uu madasha ka shaaciyey gaadhi Cusub oo goobta  yaalay oo uu xisbiga Waddani ku wareejinaayo degamadan cusub isla markaana uu kaga qeyb qaadanaayo qaadhanka loo uruurinaayo degmadan Cusub Gudoomiyaha ayaa gaadhigaas cusub  waxaa uu furihiisii iyo Buugiisa uu isla goobta si rasmi ah ugu wareejiyey gudida horumarinta beelaha Arab ee AFGARAD Gudoomiyah gudida AFGARAD Dr.Maxamed Warsame iyo suldaanka guud ee beelaha Arab suldaan Cumar Suldaan Faarax  ayaa aad uga mahad celiyey xisbiga Waddani Deeqdaas uu ugu deeqay degmadan cusub.

Hargeysa Online