Xukumada oo sheegtay in Diwaangalinta ay ka Bilaabidoonto Lix goobod oo waqooyiga Hargeysa ah.
Posted by abdi on August 27 2016 23:21:16

Wasiiru-dawlaha wasaaradda Arimaha Gudaha ee Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka hadlay Lix Gobod oo muran ka taagnaa.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Wasiiru-dawlaha wasaaradda Arimaha Gudaha ee Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka hadlay Lix Gobod oo muran ka taagnaa kuwaasi oo aan laga qaban diwaangalintii Codbixiyaasha, goobahaasi oo ku yaalla Waqooyiga Hargeysa,  Waxaanu Wasiirku sheegay in lixdaasi goobod dhawaan ay ka Bilaamidoonto Diwaangalintu, waxaanu Baaq hanjabaad ah u diray cid wal oo isku dayda in ay ka hortimaado diwaangalintaasi laga qabanayo deegankaasi.

Waxaanu yidhi. “Goobaha Muranku ka taagan waxa Diwaangalintooda la bilaabaya dhawaan waxana lagu beegay diwaangalintaasi Gobolka Sool ka socota, gobolka Sool si fiicna ayey uga socotaa diwaangalintu halkan diyaar garaweegidii ayaanu ku jirnaa, odayaasha hadlay si qaldan ayaa waxa loogu sheegay waxaana iska cad in hadalkoodu yahay mid cadho hadal ah, dawladu wixii ay danmoodo ay qabanaysaa la tashina ma laha, hasayeeshe arrintan dadka waa lagala tashaday, Diwaangalintaasi waxay khaas u tahay Codeynta Tartanka Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka oo kuma jirto Doorashooyinka Golaha deeganka iyo Barlamaanka midna shaqo kuma leh illaa go’aan laga gaadhayo, ninka dagaal ku baaqaya isagay u taala meesha uu dagaal ka ridayo”Ayuu yidhi.

 

Hargeysa Online