Shacabka ha ka fogaadaan Meelaha lagu bixiyo Kaararka Aqoonsiga.
Posted by abdi on August 31 2016 22:00:18

Al-Shabaab ayaa markii u horeysay waxay ka hadashay qaadashada Kaararka aqoonsiga ee bixintooda uu billaabay maamulka gobolka Banaadir.


Extended News

Al-Shabaab ayaa markii u horeysay waxay ka hadashay qaadashada Kaararka aqoonsiga ee bixintooda uu billaabay maamulka gobolka Banaadir, iyago uga digay shacabka inay qaataan kaararkaas oo ay ku tilmaameen kuwo la doonayo in shacabka lagu shirqoolo. Afhayeenka guud ee Al-shabaab Sh. Cali Dheere ayaa sheegay inay uga digayaan bulshada ku nool Muqdisho inay qaataan Kaarka Aqoonsiga oo uu sheegay inay dhici karto inay dhibaatooyin uga yimaadaan. “Waxaa shacabka Muqdisho ku nool iyo kuwa kalena u sheegaynaa inay inaysan ku kadmin oo ay ka fogaadaan meelaha kaararka aqoonsiga lagu jaro, ujeeddooyinka laga leeyahay kaararkan way fara badan yihiin waxaana ka mid ah in la ogaado xogta dadka muslimiinta ah si gaalada loogu gacan-geiyo,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere. Sidoo kale, Afhayeenka Al-shabaab ayaa intaas ku daray inay beegsan doonaan goobaha ay ka socdaan bixinta kaararka Aqoonsiga, isagoo ugu baaqay shacabka Muqdisho inay ka fogaadaan goobahaas. Dhinaca kale, Sh. Cali Dheere ayaa ka hadlay Qaraxii Hoteelka SYL lala beegsaday, isagoo sheegay in hoteelka uu ahaa meel laga soo maleego sharta muslimiinta lagu waxyeelleeyo. Afhayeenku wuxuu intaas ku daray n Hoteelka xilliga Qaraxa uu ka dhacayay ay ka socdeen shirar ay lahaayeen Wasiirrada iyo Xildhibaannada iyo Xubnaha Dowladda, uuna weerarku ahaa is-miidaaminta lagu dilay 40-meeyo ruux , halka dhaawaca uu 70-meeyo kale. Ugu dambeyn, Afhayeenka Ururka Al-shabaab, Sh. Cali Dheere ayaa ugu baaqay shacabka Soomaalyieed inay ka fogaadaan Baararka iyo Hoteellada ku yaalla Muqdisho ee ay ku sugan yihiin Mas’uuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hargeysa Online