Dowladda Turkiga oo Canbaareysay Qaraxii Al-shabaab.
Posted by abdi on August 31 2016 22:09:50

Dowladda Turkiga ayaa si adag u canbaaraysay Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.


Extended News

Dowladda Turkiga ayaa si adag u canbaaraysay Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ,kaasi oo sida la sheegay ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya labaatameeyo qof isla markaana ay ku dhawacmeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

 

“Turkigu waxa uu saaxiib iyo walaalba la yahay dadka Soomaaliyeed ,waxaana ka go’an in uu taageero walba siiyo Somalia si loo gaaro xasilooni “ ayaa lagu yiri war- kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda Turkiga.

Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa tacsi u dirtay dhamaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxan oo ahaa mid xoogan ,isla markaana ay sheegatay xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaliya iyo waliba ciidamada AMISOM.

Ururka Al-shabaab ayaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buux-shay la eegatay afaafka hore ee Hotelka SYL oo ay dagan-yihiin xubno ka tirsan dowladda Somaliya iyo waliba qaar kamid ah dimplumaasiyiinta shisheeye ee ka howl-gala magaalada Muqdsho.

“Waxa ay ahayd xaalad aad u daran , ma garanayo xiliga uu dalkan heli doono nabad “ ayuu Cali Cadde u sheegay wakaaladda wararka ee Turkiga in yar ka dib markii uu dhacay qaraxii shalay ,waxaana uu kamid yahay ganacsato dukaamo yar-yar ku leh meel ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay.

Ugu danbayn,Dowladda Turkiga ayaa dhinacyo badan ka taageerta dowladda Soomaliya ,waxaana Somalia ay kamid ahayd dhowr dowladood oo Afrikaan ah ,kuwaasi oo si adag uga hor-yimid inqilaabkii fashilmay ee bilo ka hor ka dhacay dalka Turkiga.

Hargeysa Online