Afhayeenkii Kooxda DAACISH oo lagu dilay duqeyn.
Posted by abdi on August 31 2016 22:15:07

Warar madax-bannaan oo laga helayo dalka Suuriya, ayaa sheegaya in duqeyn cirka ah lagu dilay afhayeenkii kooxda Daacish Abu Mohamed al-Adnani.


Extended News

 

Warar madax-bannaan oo laga helayo dalka Suuriya, ayaa sheegaya in duqeyn cirka ah lagu dilay afhayeenkii kooxda Daacish Abu Mohamed al-Adnani. Duqeyntan ayaa la sheegay inay ka dhacday Deegaanka magaalada Aleppo kaga beegan dhanka Waqooyi-bari oo ay dagaallo culus ka socdaan. Al-Adnani ayaa ka mid ahaa Abaan-duulayaasha Muhiimka ah ee kooxda ISIS ee dalka Suuriya, isla markana ahaa afhayeenkii kooxdaas. Sida ay ay shaacisay Warbaahinta ku hadasha Afka kooxda ISIS, in Hoggaamiyahaas uu ku dhintay duqeyn dhanka cirka ah xili uu ku jiray hawl-gallo Dagaal-yahannada ISIS ay kula Dagaallamayeen Xoogag kale oo Aleppo la joogay. Al-Adnani ayaa lagu xasuustaa filimadii uu shaacin jiray, kuwaasoo uu inta badan ku baraarujin jiray taageerayaasha kooxdaas inay weerarro ka Geystaan Gudaha Dalalka Yurub, waxaana la sheegaa inuu ku lug lahaa weeraradii ka dhacay sanadkii hore magaalada Paris ee dalka Faransiiska. Ugu dambeyn, Xukuuumadda Maraykanka ayaa xaqiijisay inay diyaaradaheeda duqeyn la beegsadeen saraakiil sare oo ka tirsan Kooxda ISIS, laakiinse aysan xiligan xaqiijin karin in hoggaamiyahaasi uu ka mid ahaa Dadkii ay ku dileen duqeyntooda.

Hargeysa Online