Wasiiro Iyo Xildhibaano Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ku Dhaawacmay Qaraxii Muqdisho.
Posted by abdi on August 31 2016 22:27:23

Siyaasiyiin dhawr ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsan midnimadii burburtay ee Somaliya.


Extended News

Muqdisho(Hargeysa Online)Siyaasiyiin dhawr ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsan midnimadii burburtay ee Somaliya, ayaa shalay waxa uu khasaare balaadhani ka soo gaadhay weerar is qarxin ah oo lala beegsaday hoteelka SYL ee Muqdisho oo uu shir uga socday.

 

Siyaasiyiintan oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano, waxa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan oo u badan kuwa fudud. Markii qaraxa lala eegtay ayaa waxa ay ku jireen shir siyaasadeed ay kaga tashanayeen tabasho siyaasadeed oo ay beryahan dambe ka tirsanayeen dawladda ay ka tirsanyihiin iyo dadka kale ee Somaliya oo la xidhiidha saami qaybsiga baarlamaanka Somaliya.

Siyaasiyiinta isugu jira xildhibaanada iyo wasiirada Somaliya ee ka soo jeeda Somaliland ee dhaawacyadu soo gaadheen ayaa kala ah:

1. Nuur Faarax oo ah wasiirka gaadiidka iyo dekedaha

2. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ah wasiirka warfaafinta

3. Maxamed Cabdi Xagaa, wasiirul dawlaha gaashaandhiga

4. Xildhibaan Cabdalle Boos Axmed

5. Xildhibaan Caasha Koos

6. Xildhibaan Cabdillaahi Cismaan Ducaale (Sugule)

7. Xildhibaan Jaamac Axmed Maxamed

Wasiirka Warfaafinta Somaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in qaraxa uu ka soo gaadhay dhaawac fudud kaas oo ka soo gaadhay qaraxaas lala eegtay.

Waxa iyaguna jira dad kale oo tiro badan oo u dhashay dalka Somaliya oo uu dhaawac ka soo gaadhay, waxaana weerarkan ku geeriyooday dad tiradoodu gaadhayso 20 ruux.

Hargeysa Online