Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Weerar Ku Qaaday Kaantaroolka laascaanood.
Posted by abdi on August 31 2016 22:39:49

Waxaa Goordhaweyd Ciidamo ka tirsan Kuwa Milateriga somaliland ay soo weerareen kaantaroolka bari ee magaalada laascaanood oo ay gacanta ku hayaan ciidamada booliska somaliland.


Extended News

Laascaanood(Hargeysa Online)Waxaa Goordhaweyd Ciidamo ka tirsan Kuwa Milateriga somaliland ay soo weerareen kaantaroolka bari ee magaalada laascaanood oo ay gacanta ku hayaan ciidamda booliska somaliland, Ciidamada weerarka geystay ayaa waxaa wetey nin ka mida saraakiisha ciidamada somaliland ee qaybta 12aad ,

 
ciidamada kaantaroolka weeraray ayaa waxa ay ka degeen baabuurtii iyagoo jidh dil iyo garaacis ku bilaabay ciidamo dhawr ah oo jogay kaantaroolka laascaanood, waxayna khasaare u geysteen goobtii kaantaroolku ku yaalahay, sidoo kale waxa ay dhaawacyo soo gaadhsiiyeen, shaqaale dowlada u shaqeynayay oo uu ka mid ahaa Taliyaha Ciidamada Socdaalka ee Gobolka Sool Kabtan Siciid Jibriil Xassan oo ay isna ciidamdu Qori dabadii la dheceen, hadana lagu dabiibayo cisbitaalka magaalada laascaanood, ciidamada ayaa kore u kaxaystay dadka ay jidh dileen oo uu ku jiray taliyaha Immigarationku,

ciidamada ayaa markii ay taliyaha geeyeen xarunta ciidamda oo uu haysto gaashaanle sare cali barre, waxa ay ogaadeen in dadka ay laayeen uu ku jiro taliyihii ciidamda socdaalka ee gobolka sool, kedibna way soo daayeen taliyihii iyo dadkii kale ee ay qabsadeen waxaana hada taliyihii lagu daweynayaa cisbitaalka magaalada laascaanood.

dowlada somaliland iyo ciidamda qaranka ayaan ilaa hada ka hadal dhacdadan foosha xun ee ay ka geysteen gudaha dalka somaliland.

Hargeysa Online